Puntland & Jubbaland oo ku eedeeyay Madaxda DF Somaliya inay xagal daacinayaan Shirka Muqdisho

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa Arbacada maanta si wadajir ah u soo saaray War-saxaafadeed, kaasi oo ay walaac ka muujiyeen in madaxda sare ee muddo xilkeedkeeda dhammaaday ee DF Soomaaliya ay xaggal daacineyso qabsoomidda shirkii looga fadhiyay in uu ka dhaco Caasimadda Muqdisho.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay labadan maamul ayaa laga dhigay in waqtiga kulanka oo sii dheeraada uu keeni karo in masiirka dalka iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay war qoraalkan in maamullada Puntland iyo Jubbaland ay diyaar u yihiin qabsoomidda shir looga wada arrinsado xaaladda doorashada dalka, iyadoo qabsoomidiisa loo marayo tub laysla oggol-yahay uuna saldhig u yahay heshiiskii 17-ka September 2020-ka.

Hoos ka akhrsio War-saxaafadeedka:

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here