Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay wakiillada beesha caalamka ee u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka, arrimaha amniga, iyo geeddi-socodka doorashooyinka la filayo mustaqbalka dhow.
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ayaa sheegay in xaaladda dalka ay mareyso meel walaac leh, islamarkaana loo baahan yahay in si dhab ah dib loogu laabto miyirqabka siyaasadeed iyo in laga fogaado tallaabooyin dhaawici kara hanaanka dowlad-dhiska.
Kulankan ayaa imanaya xilli uu muran xooggan ka taagan yahay qorshaha doorashooyinka, khilaafaadka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo walaaca sii kordhaya ee ku aaddan ammaanka guud ee dalka.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com