Asmara – Abdelkader Idiris oo ah la taliyaha wasaaradda arrimaha dibadda Eritrea ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin heshiiska ay dowladda Soomaaliya la saxiixatay Itoobiya.
Cabdul Qaadir ayaa daaha ka qaaday madmadowga ku jira heshiiskii Ankara ay ku kala saxiixdeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee lagu soo afjaray khilaafkii labada dal.
Wuxuu yiri: “Ma jiro heshiis gaar ah oo dhexmaray dowladda Eritrea iyo Soomaaliya. Heshiiskii u dambeeyay ee Soomaaliya, Eritereeya iyo Masar ayaa ahaa in Soomaaliya laga ilaaliyo Itoobiya oo ku soo duushay biyaha Soomaaliya.”
Lataliyaha ayaa tilmaamay in dalkiisu uusan marnaba fileyn in dowladda Soomaaliya ay heshiis noocaasi ah gasho, wuxuuna ku macneeyay in Asmara ay dib u eegis ku sameyn doonto xiriirka ay la leedahay Soomaaliya haddii ay ogolaato in marin biyood la siiyo dowladda Itoobiya, taasoo uu sheegay in ay khatar ku tahay dowladda Soomaaliya. amniga iyo xasiloonida Eritrea.
Mas’uulkan ka tirsan dowladda Eritrea ayaa meesha ka saaray in ciidamadooda ay u soo dirayaan Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in Asmara ay siiso tababaro iyo talooyin ay siiyaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo xusay in 20 sano ka hor dalkiisa uu saaran yahay cunaqabateyn, kaddib markii lagu eedeeyay inay taageerto kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya.