Indhaha Taageerayaasha Adduunka ayaa isha ku haya kulanka xiisaha iyo xamaasada leh ee El Clasico kaas oo caawa kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ku dhexmari doona garoonka Alfredo Di Stefano kulan ka tirsan todobaadkii 30-aad ee horyaalka La Liga.
Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo mid walba isha ku hayso 3-da dhibcood ee kulanka maadama ayna dhibcuhu u qaybsamin marka loo eego in ay labada kooxoodba isha ku hayaan hogaanka horyaalka La Liga.
Labada kooxood ayaa haysta xiddigo fiican waliba go’aamin kara kulanka iyaga oo waliba door weyn ka qaatay guulaha kooxdooda ee horyaalka La Liga iyo waliba tartamada oo dhan.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa laba xiddig oo go’aamin kara kulanka caawa marka loo eego qaab ciyaareedkoodii kulamadii uu dambeeyay tartamada oo dhan
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com