( Sawira ) Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul soo laabasho ah kaga gaartay kooxda Brighton & Hove Albion, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1,

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford guul soo laabasho ah kaga gaartay kooxda Brighton & Hove Albion, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-1, ciyaar qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee Premier League.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Brighton & Hove Albion.

Daqiiadii 13-aad kooxda kubadda cagta ee Brighton & Hove Albion ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Danny Welbeck.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

62 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester United ayaa dhalisay goolka barbardhaca waxaana 1-1 ka dhigay Marcus Rashford, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Bruno Fernandes.

Daqiiqadii 83 daqiiqo marka ay dheesha mareysay kooxda Manchester United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 2-1 ka dhigay Mason Greenwood oo caawin ka helay saaxiibkiis Paul Pogba.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku soo dhamaatay 2-1 ay kaga adkaatay Manchester United, kooxda Brighton & Hove Albion oo ku soo booqatay garoonka Old Trafford, United-ka ayaa wali ku jirta booska labaad ee kala sareynta horyaalka iyadoo leh 60 dhibcood.

SAWIRRO:

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here