Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo qaatay in ka badan 5 saacadood oo xiriir,

Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo qaatay in ka badan 5 saacadood oo xiriir,

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in goordhow xubnaha Al-Shabaab ay dagaal kula wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi, kadib markii ay saaka ku qaadeen weerar culus.

Weerarka oo qaraxyo ku bilowday ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo qaatay in ka badan 5 saacadood oo xiriir, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa xaq-u-dirirka ee deegaanka.

Ilo wareedyo xaqiiq ah ayaa innoo xaqiijiyey in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay gudaha u galeen magaalada, kadib markii ay dib uga baxeen ciidamada huwanta.

Xaaladda ayaa weli kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac oo dagaal la’isku riiqmay uu ku dhex-maray degmada Aadan Yabaal.

Aadan Yabaal ayaa ah degmada qadiimi ah, waxaana ciidamada huwanta ay qabsadeen bishii December 2022, xilligaas oo uu socday guluf balaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab waana wajigii koowaad ee howlgallada uu hoggaaminaayay madaxweynaha Soomaaliya.

Weerarka Aadan Yabaal ayaa kusoo aadayo, iyada oo sidoo kale isla maanta Al-Shabaab la wareegtay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, kadib dagaallo qaatay in ka badan laba todobaad oo ay la galeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo dib uga soo baxay halkaasi

Inta badan Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda.

Si kastaba, Labada Shabeelle iyo Hiiraan ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here