Dowladda Federaalka oo sheegtay inuu furmay Shirka Wadatashiga ee arrimaha Doorashooyinka

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa goor dhow ku dhawaaqay in shirka wadaashiga qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka uu ka furmay Xerada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho, xilli ay ka maqan yihiin Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland.

Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka uu ku furmay si horudhac ah, oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweyne-yaasha Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Waxa kaloo uu sheegay in Madaxda Puntland iyo Jubbaland la rajeynayo in shirka ka soo qaybgeli doonaan maalinta berrito ah, oo sida uu qorshuhu yahay shirka la soo geba-gabeen doono.

“Gogosha uu Madaxweynuhu fidiyay Afisyooni Center bay taallaa, Madaxdii oo dhami way timid, marka laga reebo labada Madaxweyne, waxaana rajeyneynaa boqolkiiba boqol inay ka soo qaybgalaan.” Ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Wasiirka oo wax laga weydiiyay caqabadaha horgudban shirka ayaa yiri “Shirka ma baaqanin, shirku wuu socdaa, si fiican buuna u socdaa, waana sii socon doonnaa.”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay sheegay in ka hadalka doorashada ay ka horeyso in marka hore laga hadlo arrimaha Ciidanka Qaranka, oo sida uu sheegay inay si gaar ah u isticmaalaan Madaxda Dowladda Federaalka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa wada dadaalo lagu doonayo in shirka kaga qaybgalaan Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland, si wadahadalada u guuleystaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here