Kooxaha Liverpool iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ku biireen baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Brighto ee Yves Bissouma.
Xiddiga 24 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya kooxda Brighton isaga oo 2 gool u dhaliyay kooxda 30 kulan oo uu u ciyaaray kooxda waxana lala xidhiidhinayay Liverpool iyo Arsenal suuqii January.
Kooxda Brighton ayaa filaysa in ay lumiso xiddiga khadka dhexe xagaaga xitaa hadii ay premier League sii joogto xilli ciyaareedka dambe.
Liverpool ayaa xiddiga khadka dhexe ee Yves Bissouma u doonaysa in ay ku buuxiso booska Gini Wijnaldum kaas oo ka tagaya kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale Arsenal iyo Mikel Arteta ayaa u doonaya xiddiga in ay dhisaan koox xilli ciyaareedka dambe u tartanka horyaalka premeir League waxana ay u arkaan xiddiga Yves Bissouma in uu fure u noqon karo kooxda.
Damqo Media