Itoobiya ayaa beenisay eedeymaha loo soo jeediyay ee ku aadan weerarkii lagu qaaday saldhigyada ciidamada Soomaaliya ee gobolka Gedo

Addis Ababa – Dowladda Itoobiya ayaa si kulul u beenisay eedeymaha dowladda Soomaaliya ay u jeedisay ee ku aadanaa weerar la sheegay in lagu qaaday fariisimo ay leeyihiin ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Doolo oo ka tirsan degmada Gedo ee maamulka Jubbaland.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in eedeymahaas ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo xustay in dhacdadan ay ka dambeeyaan dhinacyo aan la magacaabin oo ujeedkoodu yahay in lagu carqaladeeyo sidii uu caadi u noqon lahaa xiriirka labada dal.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale muujisay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhaxeeya Soomaaliya, sida ku cad baaqii Ankara ee ay labada dhinac gaareen.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya inay weerar ku qaadeen saddex saldhig oo ay ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen magaalada xuduudka ah ee Doolow.

la xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here