Dib u howlgelinta shaqsiyaadkii Gabre ee TPLF ee Muqdisho jawaasiista uga soo ahaa 2006 – 2016 sida Sanbaloolshe iyo Cali Balcad waa tallaabo gaf weyn ku ah qarannimada Soomaaliya iyo qawaaniinta caalamiga ah ee hanaanka Dowladnimada .
Waa ayaan darro iyo khiyaano Qaran in dhul badeed iyo mid dhuleed oo Soomaali leedahay laga wada xaajoodo, lagana dhigo wax gorgortan lagu galayo oo wada hadalo loo aado ,iyadoo wafdi u socdaalay Addis Ababa si qarsoodi ah loogu diray arrintaas.
Waxaa muhiim ah in la xuso in Wasiir Axmed Fiqi loo diiday inuu ku matalo dowladda Federaalka Soomaaliya wada hadalladaas maanta ka socda Addis Ababa. Sababtu waa cadahay: Itoobiya ma aqbalaan aragtida adag ee Fiqi ee ku saabsan arrimaha masiiriga ah, maadaama uu yahay mas’uul aan ka leexleexan difaaca qaranimada Soomaaliya, halka Sanbaloolshe iyo Cali Balcad ay u muuqdaan kuwo jilicsan oo lagu tuhunsan yahay inay horey ula shaqeyn jireen sirdoonka Itoobiya.
In kasta oo aanan isku xisbi ahayn ama saaxiibo la ahayn Wasiir Axmed Fiqi, haddana waxaan si buuxda u taageerayaa mowqifkiisa adag ee ku aaddan ilaalinta qaranimada Soomaaliya. Tani waxay muujineysaa in uu yahay mas’uul dhab ah oo aan diyaar u ahayn inuu qaranimada Soomaaliya wax gorgortan ah ka galo .
Hase yeeshee, ficillada hadda socda oo isugu jira khiyaano Qaran, musuqmaasuq, qabyaalad, boob hantida Qaranka iyo fashilka siyaasadeed ,waxay si cad u muujinayaan fashilka maamulka Damuljadiid ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Tani waa gef weyn oo qarannimada iyo sharafka shacabka Soomaaliyeed lagu sameeyay. Waa waajib in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ka hor yimaadaan heshiisyada iyo shirarka noocan ah oo aan wax dan ah ugu jirin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya. Shacabka Soomaaliyeed waxay u qalmaan hoggaan u taagan difaaca qaranimada, xuquuqdooda, iyo sharafkooda.
Wax walbo oo khiyaano Qaran ah ama hantida Qaranka uu boobo Xasan Shiikh kuna sameeyo qalinka iyo shaarka Dowladnimo waxaa masuuliyadeeda leh Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS , Axmed Madoobe iyo Siciid Deni madaama ay yihiin kuwii ka dambeeyay inuu Villa Somalia fariisto 15 May 2022
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com