Wararka naga soo gaaraya magaalada Roma ee ah Caasimada Dalka Talyaaniga waxay sheegayaan in koox Soomaali ah lagu soo daabulay dalkaasi (ay safaarada dibad joog ka tahay), iyadoo ujeedada lagu keenay waxaan lagu sheegay in hay’ad (NGO) Talyaani ah uu tababar uga furay saraakiil ka kale socota xafiiska Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamud , Kan Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Bare, Safiiro ka socda Dowlada Soomaaliya iyo dad kale oo aan la garaneynin cidda ay ka socdaan oo loo maleynaayo in isxambaar ahaan loogu keenay meesha .
Wararka aan ka heleyno Roma oo ilo xog ogagaal ah ay noo soo gudbiyeen ayaa sheegaya in lix ka mid dadkaas is xambaarka loo keenay Roma ay baxsadeen, kuwaasoo u sii gudbey dalal kale oo Yurub ah.
Dadkaas lagu keenay magaca Soomaaliya ee isxambaarka lagu wadey oo lacago badan looga soo qaatey imaanshahoodw Talyaaniga ayaa waxaa furdaamiyay oo keenay meesha nin heysto dhalasho Talyaani ah oo wakiilna uga ah madaxweyne Xasan Shiikh oo la dhaho Cali Marduuf.
Waxaa isweydiin mudan Dowlada Federaalka ee Soomaliya miyaysan u jeedin dhaqan xumada meesha ka socota Iyo isxambaarkaan inuu wax u dhimaayo sumcada dadka iyo Dowlada Soomaaliya magac ahaan.
Ujeedada Siminaarka dhan wuxuu ahaa in lagu fushado mashruuc dadka lagu tahriibinaayo, kuwaasoo lacago farabadan oo Dollar ah looga soo qaatey qof walbo oo yimid siminaarkaan waa sida hadalka looyiriye.
Waxaa shirka ka soo qeyb galey Safirada Dowlada Federaalka ee Soomaliya u fadhida Dalka Belgium Khadiijo Cosoble , taasoo markii ay aragtey waxa meesha ka socda ay isaga carartey kadib markii ay la yaabtey, sida dad ay la kulantey u sheegtey.
Docda kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa waraaq u qoray
safaaradaha Soomaaliya ee Talyaaniga iyo Ingiriiska , isagoo u sheegay inaysan casumaado sameyn karin mardambe, madaama uusan jirin howlaha uu ka dhex wado Wasiir Dowle Cali Balcad Wasaarada Arimaha Dibada iyo Safaaradaha howlaha ka wada
shaqeeyaan , sababta Fiqi u sameeyay Qoraalka uu u kale direy Talyaaniga & Ingiriiska waxaa weeye sidii looga hortagi lahaa mashruuc iyo Isxambaar uusan ka warqabin inay dhacaan, sababta waxaa weeye khilaafka shaqo iyo is qabqabsiga ka taagan Wasaarada Arimaha Dibada .
Dowlada Talyaaniya ayaa iyana qaadey tilaabo kale maanta , tilabadaas oo au in madaxdii Soomaaliyeed ee siminaarka beenta ah u timid in lagu ilaaaliyo hoteladii la dejiyay, si ayaan u baxsan dadka ay isxambaarka u keeneen meesha inta ka harsan .
Tani waa mid ka mid ah fadeexada Dowlada Xasan Shiikh iyo Xamsa Cabdi Bare ee soo gaarta Soomaaliya dalalka Caalamka .
Waxaana ayaandaro ah in madaxweynihii ka dhaho Dalka Jarmalka Qaxootiga Soomaalida ahaa waan ceshaneynaa hadane kuwa hor leh oo isxambaar ah ugu soo qaada Caalamka iyadoo lagu magaca Qaranka
Xigasho ila wareediyo ku sogan dalka taliyaanga
Xafiiska damqo Media Network
Mogadisho, Soomaaliya
Email: damqomedia@gmail.com