Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif ,Imaam Daahir iyo ugaas Maxamud, ayaa wakhti badan geliyey xalinta dagaalladaan soo noq noqday

Degmada Warshiikh waxaa ka socda dagaal u dhexeeya labo jufo oo ka tirsan Beesha Abgaal, waxaana ilaa hadda dowladda madaxweyne Xasan Sheekh aysan wax tallaabo ah ka qaadin. Dagaalkan oo muddo dheer soo noqnoqday tan iyo markii Xasan Sheekh xukunka qabtay, wuxuu muujinayaa sida aanay dowladdiisu dan uga lahayn colaadaha ka jira gobolka Shabeellaha Dhexe, oo ah deegaan ay qabiil ahaan ku matalaan dowladda.

Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif, ayaa wakhti badan geliyey xalinta dagaallada noocaan ah, balse hadda colaadahaas mar kale ayay dib uga socdaan gobolka, taas oo dhalisay tuhun ah in Xasan Sheekh iyo kooxdiisu ka shaqeynayaan sii hurinta dagaallada si ay kursiga maamulka HirShabelle ugu wareejiyaan Beesha Xawaadle oo uu madaxweynuhu abtiyaashiis ah.

Si kastaba ha ahaatee, qorshahaasi uma muuqdo mid shaqeynaya, waayo Beesha Abgaal si taxadar leh ayay ula socotaa xaaladda iyo dhaq-dhaqaaqa dowladda.

Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay inuu ka shaqeyn doono si maamul koboleed u gaar ah u yeelan lahaa gobolka Banaadir danaha,oo ahaa afka baarkiis.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxoo keenay hal hees oo hal ku dhigiiisa ahaa, isagoo ku celceliyey halkudhigga ah “Soomaali heshiis ah.” Balse laba sano oo uu xafiiska joogay, Beesha Abgaal dagaal ayaa ka dhex socda Muqdisho iyo Shabeellaha Dhexe iyada oo aan wax horumar ah laga sameynin xalinta colaadahaas.

Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo waxay ku dadaashay inay nabad ka dhex dhigto beelaha colaadaha sokeeye ku dhexmaraya gobollada, iyadoo ciidamo nabad-ilaalin ah geysay deegaanno kala duwan, sida Gaalkacyo, Caabudwaaq, Ceel Muluq, Marka, Walaweyn, iyo Beledweyne. Halkaas ayay kaga guulaysatay in beelaha ay ku dhex jiraan nabad iyo isfahan.

Laakiin xukuumadda Xasan Sheekh kama aysan hadlin dagaalada sokeeye ee ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Galgaduud, Mudug, Sool, iyo Sanaag, iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha colaadeed ee u dhexeeya qabaa’ilka wada dhashey. Villa Somalia wuxuu ku andacoonayaa in dalka laga hirgelinayo doorasho qof iyo cod ah, halka deegaanka Abgaal lagu la’yahay xasillooni, meel 30 km u jirta magaalada Muqdisho. Waxaa sidoo kale la ogyahay in xiriirka dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland uu yahay mid aad u xumaaday.

(Soomaali heshiis ah micnaheeda inta ka daawo)

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here