Villa Soomaaliya waxaa caawa ka dhacay kulan xiiso leh oo dhex maray Raysal Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, iyo mas’uuliyiin hore oo Ogadeenka Kenya iyo xubno ka tirsan IGAD oo xilal muhiim ah hore uga soo qabtay. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya Axmed Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland, iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Intii kulanku socday, Ergadii odayaasha ah ayaa sheegtay in si wanaagsan loo fahamsan yahay waxa uu Axmed Madoobe doonayo, iyo sidoo kale sida Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu rabo inuu arimaha u maareeyo. Waxay si toos ah u weydiisteen Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre inuu cadeeyo waxa uu doonayo, si ay ugala hadlaan sidii xal loo gaari lahaa.
Raysal Wasaaraha ayaa si lama filaan ah ugu jawaabay in uu doonayo in loo aqoonsado inuu yahay Raysal Wasaarihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya yeelato, isagoo u muuqday inuu rabo inuu isbeddel aan hore loo arag ku sameeyo siyaasadda Soomaaliya. Jawaabtaasi ayaase dhalisay falcelin iyo welwel ergadii Ogadeenka ee madasha joogtay.
Odayaasha Ogadeen ayaa u sheegay in beesha ay matalaan aysan la qabin aragtida Raysal Wasaaraha, iyadoo beesha Daarood ay u muuqato inaysan taageerayn siyaasadda uu doonayo inuu hirgeliyo Xamsa Cabdi Barre.
Raysal Wasaaruhu wuxuu ka dhawaajiyey in dadka ay ku adagtahay inay fahmaan aragtidiisa balse u doonayo in Madaxweyne Xasan Sheekh oo kaligiis isku heysta awoodaha muhiimka ah ee dalka sida Madaxweynaha, Golaha Wasiirada, Baarlamaanka, iyo talisyada ciidamada (maxad dalka ka tahay adiga).
Kulanka ayaa soo dhamaaday iyagoo odayaasha ergada ahaa oo yaaban !
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com