Khiyaano Qaran inay dambi weyn tahey maba yaqaaniin kooxda Damjadiid iyo Ninka madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud .

Khiyaano Qaran inay dambi weyn tahey maba yaqaaniin kooxda Damjadiid iyo Ninka madaxweynaha JFS Xasan Shiikh Maxamuud .

Caawa waxaa Hotel Jazeera lagu qabtey baroordiiq loo sameynayay Marxuum Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) oo labo maalin ka hor ku geeriyoodey magaalada Hargeysa caasimada Gobalka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya .

Munaasabadatan waxaa soo agaasimey koox reer Waqooyi ah oo u soo shaqo tagey Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho kana tirsan Gooni goosadka Somaliland ee loo garan ogyahey Jabhada SNM , kuwaasoo ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS iyo Xukumada Dan Qoys .

Khiyaano Qaran oo Qodobo lagu muteysto ciqaabta ugu daran ee dal iyo dad laga galo oo xataa xilka uu ku weyn karo Qof kasto darajo u haaya Qaranka sida ku qoran Dastuurka iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed ayaa maalmahaan ilaa caawa ay ka dhex socdeen oo ay wadeen kooxda aan kor idin kugu soo sheegay .

Fajaca caawa ka taagan Hotel Jazeera ayaa ah in madaxweynihii Dalka Soomaaliya Xasan Shiikh iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo isku tilmaami jirey nin Soomaali ah oo Qabyaalad uu ka doorbidey u adeegida Qaranka ayaa isna caawa meesha soo fariistey isagoo og in Marxuum Siilaanyo uu ka mid ahaa dadkii kale goynta Dalka Soomaaliya calansidaha ka ahaa soona noqdey maamulka SNM hogaankeeda xiligii burburka iyo markii dambe ay Dalka kale gooyeen .

Jabhadii SNM & maamulka Somaliland waxay kale go’yeen dalka sida ay sheeganayaan islamarkaana waxay xasuuqeen Gobalo dhan dadkii Soomaaliyeed ee ka soo horjeedey damacooda guracan sida Reer Awdal iyo reer Sool & Sanaag oo aan ka xusi karo Dila, Goojacade iyo Kalshaale , kuwaasoo loo laayay maxaa u leedihiin waxaan nahey Soomaali dalkeenu waa Soomaaliya , Calankeena waa kan Buluuga dhexda ku leh Xidig cad oo 5 gees ah.

Hadaba hadii caawa magaalada Muqdisho gooni goosadka looga yaqaano halyeeyo wadani ah oo taariikh wanaagsan leh , marka dadka kale ee Soomaaliyeed ee degan Gobalada Waqooyi ee midnimo doonka ah ee diidan in Dalka la kale jaro ee 34 sanadood u taagnaa Difaaca mabda’aas , lagu diley, lagu xasuuqey lagu barakiciyay maxaa loo sheegayaa oo lagu qancin karaa ?.

Waa ayaandaro iyo nasiib xumo ku dhacdey dowladnimadii Soomaaliya damiirkii wadanimo iyo qabkii iyo weliba garashadii oo caawa god lagu ridey uuna garan waayay madaxweynihii JFS masuuliyadiisa iyo inuu xaqdhawro oo ilaaliyo shuruucda Dalka uga degsan khaaimiinta Dalka kale jareyso meel uga soo haro .

Soomaaliya maanta waxay taagan tahey meel halis ah waxaana dadkii iyo dalkii gacanta u galey Kuwa argagaxisada Alshabab ku abaalmariya darajo Ciidan iyo Wasiir halka kuwa Dalka kale jareyna ku abaalmariya inay u tahniyadeeyaan una baroordiiqaan iyadoo aysan jirin sabab iyo dan keeni karta .

Waxaa kale nasiib daro in Baarlamaankii JFS iyo Xukumadii ay afduubeen koox ka tirsan Sirdoonka SNM SL oo Xildhibaano iyo Wasiiro isku sheega oo lacagna kaga qaato xaga iyo xaga sidii loo burburin lahaa Qaranimada iyo Dowladnimada Soomaaliya balse waxaas oo dhan waxaa ka sii daran oo caawa Qaran jab ah in Xasan Shiikh Maxamuud dhexda u fadhiya kooxdaasi qaran dumiska taageereysa kale goynta Dalka iyo xasuuqii Gooiacade .

Ugu dambeyntii Xildhibaanada damiirka leh iyo Shacabka Soomaaliyeed waxaa looga fadhiyaa sidii dadka iyo Dalka looga badbaadin lahaa khaaimiintaas is biirsadey .

Soomaaliyeey Toos oo Kaca

Soomaaliya Hanoolaato cadawgeeda ha jabo

W/Q : Difaac Qaran

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here