Jubaland Oo Ku Dhawaaqday Inay Joojisay Wadashaqeyntii Ay La Laheyd Dowladda Federaalka

Kismaayo – Maamul-goboleedka Jubbaland ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqay in uu hakiyay wada shaqayntii uu la lahaa dawladda Faderaalka, ilaa inta ay dib ugu soo laabanayso dhaqangelinta dastuurka qaranka, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka in ay carqaladeyneyso hanaanka doorashada maamulkaasi, iyadoo ay taasi dheer tahay in ay carqaladeyneyso howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kaddib markii wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay uga digtay dowlad-goboleedka Jubbaland in ay dhacdo doorasho dadban, iyadoo ku baaqday in la dhowro heshiisyadii ay gaareen golaha wadatashiga Qaranka, kaasoo dhigayay in loo baahan yahay in la raaco hannaan doorasho oo mideysan oo dhameystiran oo dalka oo dhan ka dhacda.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here