Jubaland ayaa kasoo horjeeda in muddo kordhin loo sameeyo madaxda dowlad goboleedyada

Kismaayo – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa si weyn uga soo horjeestay natiijadii ka soo baxday shirkii golaha wadatashiga qaranka, gaar ahaan arrimaha gal-dacwadeedka doorashada iyo muddo kororsiga maamul goboleedyada qaarkood.

War saxaafadeed ka soo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu xaqiijiyay in maamulku uu madax banaani buuxda u leeyahay qabashada doorashada xilliga loo cayimay, si waafaqsan qodobka 80-aad ee dastuurka Jubbaland.

Jubaland ayaa sidoo kale ku dhaliishay dowladda Federaalka in ay ka gaabisay in shirka lagu soo daro Maamul Goboleedka Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Khaatumo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here