Dadkii Soomaalida ahaa ee deggan UK ee ka qayb galay kulankaas waxay soo arkeen ceebo iyo waji-gabax ku dhacay madaxdaas. Markii ay tageen Baarlamaanka UK

Waxaa ceeb iyo arrin foolxumo ah oo taariikhda dowladnimada Soomaaliya ku ah in Guddoomiyihii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aaden Madoobe, iyo xildhibaanada Maxamed Cajiib, Murjaan, iyo Gobson ay hortagaan Baarlamaanka Ingiriiska oo ka mid ah kuwa ugu fac weyn dunida, iyagoo bilaa qorshe ah.

Waxaa la yaab leh in ay matalayaan Baarlamaanka Soomaaliya dadka tayo xumadaas ka muuqato ,iyada oo laga heli karo Golaha Shacabka shaqsiyaad leh waayo-aragnimo, aqoon, iyo ilbaxnimo dheer oo dowladnimo.

 

Shacabkii Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida waxay ka dharagsan yihiin dadnimada, waayo-aragnimada dowladnimo, iyo hab-dhaqanka Baarlamaan ee xubnahaas, taas oo ah mid yar oo matalaad fiican ka bixineynin sharafta Baarlamaanka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dadkii Soomaalida ahaa ee deggan UK ee ka qayb galay kulankaas waxay soo arkeen ceebo iyo waji-gabax ku dhacay madaxdaas. Markii ay tageen Baarlamaanka UK, waxa loogu talagalay in la kulmaan madax iyo xildhibaanno kala duwan oo ka tirsan xisbiyada Golaha Baarlamaanka UK si ay ula hadlaan dhiggooda UK. Laakiin, dhacdadaasi waxay ku soo idlaatay markii lagu soo dhaweeyay meesha kadibna ay sawirro kaliya oo guud iyo kuwo gaar ah ay aheyd muhiimada safarkooda .

iyadoo aysan jirin wax kale oo Qorshe Baarlamaan ay wateen . Markii ay sawirrada galeen kaddib, waxay si fudud uga dhaqaaqeen goobta iyagoo aan helin wax faaido u ah Baarlamaanka Soomaaliya oo ka badan sawirka.

Weli Baarlamaanka UK waxa uu yaaban yahay, isagoo ka xun tayada iyo nidaam-darrada lagu arkay wafdiga Soomaaliya uga yimid, oo aan u muuqan kuwo matalaya sharaf iyo haybadda dowladnimo Soomaaliyeed.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here