Waxaan ayaandaro ah oo Qaran jab ku ah Dowladnimada iyo Qaranimada Soomaaliya maanta in Xildhibaano Federal ay ka yihiin Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare kuwa aan aaminsaneyn midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed iyo Dastuurka ay ku dhaarteen.
Kuwaasoo ka buuxa meesha islamarkaana qaar kale ay ka mid yihiin Golaha Wasiirada ay maanta Facebook soo wada galeen iyagoo caayaya u gefaya Wasiirka Arimaha Dibada JFS Axmed Macalin Fiqi, kaasoo ka jawaabey xadgudub ay u geysteen madaxbanaanida iyo Qaranimada Dalka Soomaaliya qaar ka tirsan Safiirada Dowladaha Denmark iyo Ingiriiska ee u fadhiya Dalka Soomaaliya.
Wasiir Axmed Fiqi wuxuu gudanayay waajibaadka shaqadiisa isagoo ilaalinayay madaxbanaanida Dalka ee ku soo xadgudbeen danjirayaashaas.
Marka sidee macquul ku tahey in Xildhibaan ka tirsan Labada Aqal iyo Xukumada inay aflagaadeeyaan oo si bareer oo Qabyaalad iyo naceyb Soomaalinimo ama Soomaaliya ay ka buuxdo ay baraha bulshada ku soo wada qoraan iyagoo sheeganaya inay yihiin Xildhibaano ka tirsan Dowlada Soomaaliya balse ku hadlaayo afka qabyaaladeysan oo cuqdadeysan islamarkaana taageeraya gooni goosadka SNM ee Soomaali diidka ah.
Hadaba Xildhibaanada Labada Aqal iyo Gudoonkooda, Raysal Wasaaraha iyo Madaxweynaha waxaa looga fadhiyaa inay tilaabo sharci ah ka soo saraan oo degdeg ah islamarkaana lagu qadaa khiyaano Qaran xilka inta laga qaado, Mushaarka ay ku qataan magaca Soomaaliya halaga wada karo hana lagu wada badalo Xildhibaano aaminsan midnimada iyo madaxbanaanida Dalka Soomaaliya.
Kuwa aan tagi karin Hargeysa & Burco oo hadane maalin iyo Habeen ka shaqeynaya burburinta dowladnimada Dalka Soomaaliya sabab ay nooga sii mid ahaadaan ma jirto ee waa in tilaabo degdeg ah laga qaado.
Shacabka Soomaaliyeed waa inay ku taageeraan arimaha uu ka hadley Wasiir Axmed Macalin Fiqi ee ku difaacayo ilaalinta sharafta Dalka iyo xuduudihiisa.
Wasiir Fiqi waxaan ugu baqeynaa inuu shaqadaasi si wanaagsan u qabto meelna soo saaro shisheeyaha iyo kuwa Gudaha noogu jira ee marna Afka SNM ku hadla marna Jilib u goosta ee ka shaqeeya dhibaatada Soomaaliya.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com