Siyaasiyiinta waxaa looga baahayahay in meel looga soo wada jeesto damaca Xasan Shiikh e walida ah

Siyaasiyiinta waxaa looga baahayahay in ay gacmaha isqabsadaan, si meel looga soo wada jeesto damaca Xasan Shiikh ay hor boodayaan sadax maamul goboleed oo duddokordhin loo sameyay sharci darro ah, Waxaan rabaa in halkaan aan ku soo gudbiyo warqad hadda kahor ka soo baxday labo maamuloo kala ah Gal Mudug iyo Hirshabelle oo tilmaameeysay sida soo socotah warqadda hoos ka eeg

Madaxweynaha Galmudug QoorQoor, iyo Hirshebeele Cali Guudlaawe, waxay soo saareen 27 April 2021 war-saxaafadeed ay ku diideen in dowladii hore ee madaxweyne Farmaajo ay doorasho cod iyo qof Dalka u qabato iyagoo sidoo kale ka soo horjeestey mudada kordhintii Labada Aqal ee Baarlamaanka u sameeyay hay’addaha Dowlada in firaaq Dastuuri ah iyo burbur Dowladeed uusan ka dhicin Dalka .(Taasoo ay doonayeen mucaraadkii markaasi banaanka taagnaa oo dhan in Dalka la geliyo burbur iyo dagaalo sokeeye ).

Balse war murtiyeedkaas ku sheegay in loo laabto qabashada Doorasho Dadban oo hore loogu soo heshiiyay.

Si kastaba ha ahaatee, maanta QoorQoor iyo Guudlaawe waxay wax ka soo saxiixeen heshiis cusub oo keeni kara xaalad hubanti la’aan ah oo dalka la gelinaya, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku raadinayo habka doorasho oo aan la ogeyn waqtiga ay dhaceyso, oo aan heshiis lagu wada aheyn ,taas oo u muuqata mid lagu raadinayo muddo kordhin dahsoon .

” Xasan Dalka meel xun ayaad ku wadaa – Badbaado Qaran sideedii ayay u joogtaa: amnidarro xun ayaa dalkii oo dhan ka jirta sida Baladweyne oo maalinta cad lagu dhacayo dadkaV

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here