Wasiirka Batroolka, Cabdirisaaq Cumar, uu isbeddelkan u sameeyay si ku talagal ah, isagoo ku xoojinaya dagaalka siyaasadeed ee ka jira Hirshabelle

Munaasabadda soo dhaweynta Markabka Dowladda Turkiga ee Baarista Shidaalka Xeebaha Soomaaliya ka bilaabi doono oo lagu qabtay galabta Dekedda magaalada Muqdisho, ayaa Wasaaradda Batroolka ku soo bandhigtay khariidad cusub oo muujinaysa rukhsadaha sahminta shidaalka badda Soomaaliya (Somalia Offshore License).

Khariidada waxaa lagu muujiyey dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya sida Somaliland, Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Jubbaland.

Si kastaba ha ahaatee, magaca Dowlad Goboleedka Hirshabelle halkii lagu xusi lahaa waxaa lagu qoray “Hiiraan & Middle Shabelle,” beddelkaas oo dad badan u arkeen inuu meel ka dhac ku yahay nidaamka Federaalka iyo jiritaanka sharciyeed ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee JFS.

Waxaa la rumeysan yahay in Wasiirka Batroolka, Cabdirisaaq Cumar, uu isbeddelkan u sameeyay si ku talagal ah, isagoo ku xoojinaya dagaalka siyaasadeed ee ka jira Hirshabelle iyo Hiiraan State, una daneynaya beeshiisa oo diidan Hirshabelle.

Waxaana la ogyahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud arrintan la socday, una ogolaaday in Wasiir Cabdirisaaq Cumar ku soo bandhigo khariidada cusub ee lagu burburinayo Dowlad Goboleedka Hirshabelle; sababtoo ah aqoondarro iyo hilmaam ama qalad looma sameyn, ee waxaa loo sameeyay ku talagal cad oo ujeedo badan ay ka sii dambeyso.

Tallaabadan ayaa walaac ku dhalisay bulshada, iyadoo lagu arko inay wiiqayso nidaamka Federaalka iyo sinnaanta dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Isbeddelkan iyo hawsha socota ee Villa Soomaaliya ay kala shaqeynayaan Agaasimaha Nabadsugida Qaranka Sanbalooshe iyo Wasiir Cabdirisaaq Cumar ayaa waxaa looga fadhiyaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo bulshada deegaannadaasi inay jawaab cad ka bixiyaan oo kalsoonida ay kala laabtaan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, taasoo keeni karta khilaaf siyaasadeed oo ka dhex qarxa labada dhinac ee wada deggan Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here