Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow u amba-baxay Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland, waxayna halkaas kaga qeyb galayaan shir wadatashi ah oo ku saabsan xaaladda dalka.
Wafdiga Madaxweyne Shariif waxaa kamid ah Xildhibaano iyo Saraakiil Ciidan waxa uuna socdaalkooda kusoo aadayaa xili ay Villa Somalia isku dayeyso in ay meel mariso dastuurka dalka oo ay ka taagan tahay dood badan.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in uu dalka ka socdo waddo khaldan isagoo baaq u diray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com