Soomaalida waxay tiraahdaa baadi kugu daahdey inaad leedahey moodaa, markii ay burburtey Dowladii hore 1991 oo Dalka fowdo noqdey oo dagaalo sokeeye iyo nidaam fowda ah uu galey Dalka .
Waqtigaasi hantidii shacabka & tii Dalka waa la boobey lana qabsadey , taasna waxaa kaga sii daran in dadkii maalintaasi hantiyay ilaa haatana ku fekeraya inay tahey hanti ay dhaxal u heleen waa ayaandaro iyo Caqli xumo weyn oo u baahan in wax la iska dhaho.
Waayo sidee Dowladnimo iyo nidaam ku imanaya Dalka , hadii maanta hantidii Dowlada iyo tii Shacabka lahaa weli xoog lagu heysto oo hadane qabiil la rabo in garab iyo gashaan laga dhigto .
Cid hantida Qaranka & tan Shacabka dhihi karto 1991 ayaa qabsadey Aniga leh oo kama baxaayo uma celinaayo dowladii laheyd iyo dadkii lahaa hantidaas.
Iyana waxaa qalad kale ah in dhulalka hantida Qaranka la siiyo ganacsato iyadoo awooda iyo shaarka Dowlada la isticmaalayo.
Hasayeeshee Muqdisho iyo Shabeelada Hoose anaga qabsaney oo xoog ayaan isaga dhex deganaaneynaa iyana waa qalad kale oo la aqbali karin .
Dowlada xaq ayay u leedahey cid kasto xoog iyo sharci daro ku degan dhulalka Dowlada iyo tan shacabka inay ka saarto sabab waawareey loo dhaho oo Qabyaalad ma jirto.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com