Shaley Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu sheegayay in Dastuurka iyo sharciga uu maalmarey Dowladii ka horeysey uu hogaaminayay madaxweyne Farmaajo, Badbaado Qaran waxaa loo sameeyay oo qoryaha iyo hubka u soo qaateen inay badbaadiyaan Qaranka waa sida magacooda ahaa Badbaado , marka maanta madaxweyne Xasan Shiikh wax walbo uu shaley noo sheegayay oo aan ku taageerney wuu hareer marey weliba si cad ayuu u rabaa inuu dastuurka isaga laga soos doortey badalo iyadoo aan raali la isaga wada aheyn, oo Dalk ku celiyo nidaamkii Madaxtooyada laga maamulayay iyo labo xisbi uu isaga mid leeyahey , taasoo baalmarsan Heshiiskii Dowlada Federaalka ee Soomaaliya lagu wada joogey.
Marka Badbaado Qaran waxaa laga rabaa oo looga fadhiyaa labo mid inay sameeyaan .
Koow inay yihiin Badbaado Qaran oo Qaranka maanta ka badbaadiyaan burburka uu la damacsan yahey Xasan Shiikh ama wixii shaley ay u taagnaayeen oo noo sheegayeen ay ka been sheegaan oo ay cadaato in Farmaajo ay kula dirirayeen qaab Qabyaalad ah .
Baarlamaanka labadiisa Aqal waxaa laga rabaa iyagana inay sharciga iyo dastuurka badbaadiyaan oo la xisaabtamaan Xasan Shiikh iyo Xukumadiisa ama umadda Soomaaliyeed ay u sheegaan inaysan waxbo ka qaban karin , si looga wada hortago.
Marka ugu dambeyntii waxaa la joogaa xiligii Badbaado Qaran Iyo Baarlamaanka ay wadanka ka badbaadin lahaayeen sharci darada iyo nidaamka kaligii talisnimada ah uu ku wado madaxweynaha hada xilka haayo
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com