Xasan Shiikh oo Somalia ku sugan maxaa u diiday noo ka soo qeeb galo jinaasada Ugaaas Cali ugaas Cabdulle.
Xasan Shiikh waxaan ku tuhunsaneen ayaa dibada soo baxay,Waxa horay loo yiray sirma qabe saabkiisaa biyo u celiyo. Xasan Shiikh waxoo ahaayba wajigiisa saxda ahaa ayaa dibadda yimid markoo shalay geeri ku timid Ugaas Cali ugaas Cabdulle taasoo laga dheehan karo naceebka Qomiyadada Mudulood gaar ahaan besha Abgaal.
Mudulood waa ka tageen afartaas saciim, MW Cali Mahadi,Maxamed Cumar Xabeeb, Xuseyn Xaji Bood iyo Cali Ugaaas Cabdulle oo ay wehliyaan Shikh Axmed Siyaar, Macallim Nuur iyo Shikh Xuseyn cade oo iyaga ahaa tiirka nabadeed ee beeshaas.
Beesha Mudulood waa ummad badankeeda Xalaal quudata ah, isu dhega nugul, dhul baaxad weyn degan, welina waa sidoodi, balsa maanta culayski shalay jiray mid ka badan ayaa muuqdo, una baahan xilligan Odayaal, Culimo iyo Siyaasiyiin runti la jaan qaadi karo xaaladaha cakiran ee dalkeena ku jiro guud ahaan iyo gaar ahaan Deegaanada Mudulood iyo Dadkooda.
Waxaan aad u raajeynayaa, aad u filanayaa in ay soo ban bixi doonaan Hogaamiyayaal u istaago horumarinta iyo bed-qabka deegaanada Mudulood iyo dadkooda. Allah ha naga koriyo Dabeylaha xun xun. Aaamiin
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com