Xasan Shiikh oo Madaxweyne-nimadii Soomaalida inta meel iska dhigtey ayuu u xuubsiibtey Irrir Samaale, taasoo ah mid markhaati ma doonto ah.

Xasan Shiikh oo Madaxweyne-nimadii Soomaalida inta meel iska dhigtey ayuu u xuubsiibtey Irrir Samaale, taasoo ah mid markhaati ma doonto ah.

Dalka Soomaaliya waxaa moodaa inay lasoo diristey nasiib daro, iyadoo ilaa iyo hada la ogeyn hab dhaqanka  Madaxweynaha oo meel loo raaco laheyn.

Taasoo u  keeni karta   Wadanka inuu dib ugu laabto dagaal sokeeye ,  madaama ay bilaawatay Dalka oo dhan qalalaaso Qabiil oo ay cid kasto rabto in ay ageeda xerato ama deegaankeeda .

Waxaana  ka dareemi kartaa Video -ga kor ku xusan, kaasoo muujinaaya in Xasan Shiikh hada ummadda Soomaaliyeed u kala qeeybiyay Dir iyo Daadood.

Xasanoow waan aragney cidda aad Irrir Samaali u wadato, kuwaas oo kala ah

1 -) Cabdullaahi Ciise

Cabdullaahi Ciise inuu ka tirsanaa SYL qof walbo waa ogyahey , ururkaasna taariikh iyo Maalin gaar ah ayay wada leeyihiin oo ku suntan maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, in kaligiis aad kale soo baxdo halgamayaashii SYL waxay ku tahey aflagaado waayo SYL waa Urur Midnimada iyo gobanimada Dalka ku asteysan .

2 -) Maxamed Ibraahim Cigaal.

Balse Cigaal waxa uu ahaa ninkii Soomaali kala gooyay oo NFD raaciyay Kenya,Shirkii Arusha ee Tanzania ka dhacey markaas uu ahaa Raysal Wasaare Cigaal , 1991 wuxuu Soomaaliya ka gooyay Waqooyi Galbeed, Togdheer iyo Awdal oo la qasbey, marka muxuu ku muteystey  inaad halyeey aad ku tilmaamto,  taas micnaheeda waxay tahay waa Irrir Samaali kaliya, waayo ma jirto qiimeyn kale aad uga dhigi karto .

3 -) Madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) oo kale in la tilmaamo weey mudantahay ma jirto qof Soomaali ah oo la mid ah kaasoo ahaa nin ku dayasha mudan.

Waxaa iga su’aal ah Beesha Daarood waxeey lahaayeen halyeeyo soo halgamay , kuwaasoo xurnimada u soo dagaalamey ee maxaa ugu diidey ama uga reebtey sawiradoodii in boorka la soo saaro , madaama ay mudan yihiin ,sida kuwa kale .

Xasan Shiikhoow miyaad iloowdey  madaxdii kale ee Daarood sida.

Raysal Wasaare

1 -) Cabdi’risaaq Xaaji Xuseen

Madaxweyne

2 -) Cabdi’rashiid Cali Sharmaake ,ragaasi  miyeesan mudneen in sawirkooda lagujiyo daljirka daahsoon, sida Cigaal ugu soo dhajisey oo kale .

Hada umadda Soomaaliyeed Jawaabta arinkaan waxaan u daayay Xasan Shiikh oo 2023 gurbaan Irir Samaale ku garaacaya Muqdisho ?.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here