Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Sanad kadib isagaa albaabada mucaaradnimo in lagala hor yimaado u balaqey sand kadib markii uu cadeystey wadada nidaamka lagu yaqaano kaligii taliyaha uu ka soo saarey shirkii Madasha ee lagu qabtey Muqdisho maalmihii tagey .
Doorashooyinka cod iyo qof iyo labo Xisbi kaliya laga gelayaa iyadoo qoraalada ka soo baxey Shirkooda Madasha ay ka buuxaan kuwa ka hor imaanaya dastuurka Dalka u degsan kuwaasoo u baahan in Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo inay Shacabka Soomaaliyeed iyo daneynayaasha siyaasada Dalka iska waafaqaan marka laga soo gudbo Howsha Labada Aqal utaal , inta kale waa in Heshiis siyaasadeed oo wadar ogal ah ay ka garaan .
Xasan Shiikh oo shaley Madaxweyne Farmaajo ka diidanaa wax walbo oo wanaagsan ama qaldan ayaa maanta iska dhigaayo Farmaajihii shaley uu nagu diraayay oo leh Dalka Doorashooyinka aan Aniga rabo baan ka qabanayaa iyadoo xataa uu laaley Baarlamaankii 2 Aqal , shaqadii Xukumada Hore ula wareegay .
Si sharci daro ah u sheegay in mudo kordhin u sameeyay hal sano ah madaxda Maamul gobaleedyada Dalka taasoo ah sharci daro iyo mid baal marsan awoodiisa madaxweyne.
Xasan Shiikh oo shaley diidanaa in Puntland ay ka dhacaan doorashooyinka Cod iyo Qof iyo mudo kordhinta Siciid Deni raadinayay sida ku eedeeyay maalin Hore ayaa hada Siciid Deni u sameeyay mudo kordhin uusan ka dalban hadane doorashooyinka uu ka diidey Puntland leh waxaan ka qabanayaa Soomaaliya .
Docda kale Madaxweyne Hore Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goal ka dhaliyay Siciid Deni iyo Xasan Shiikh kadib markii uu taageerey doorashooyinka Cod iyo Qof ee ka dhacdey Puntland iyo Mida Madasha uu ka soo saarey Xasan Shiikh taasoo aysan ka filaneynin waa Farmaajo waayo iyaga markii uu xukunka hayay sax iyo qalad wey ka soo horjeedeen isna uma fiirin dagaalkii kale dhaxeeyay labadaas balse si xeeladeysan ayuu u taageerey doorashooyinka cod iyo qof in Dalka laga qabto balse wuxuu raaciyay in waxyaabaha dastuurka aan raacsaneyn meesha laga saaro lagana heshiiyo wadar ogal ah laga galo .
Warka Farmaajo waxaa soo dhaweeyay taageerayaasha Puntland ee Deni hadane Xasan Shiikh kooxdiisa warka uu soo saarey waxay ka heleen nefis siyaasadeed xataa Warka oo sidiisa ah waxay ku soo daabaceen SNTV iyo Radio Muqdisho oo aan wada ognahey markii uu Villa Jooga isbaaro u dhigteen .
Dhinaca kale madaxdii hore ee Dalka soo martey iyo Xildhibaan hada ka tirsan Baarlamaanka ayaa ka hor yimid go’aamada ka soo baxey Shirkii Madasha kuwaasoo ka digey in Dalka uu galo qas iyo fowdo kuwaasoo kaga dhigey kaligii talisnimo cad iyo Af duub , madaxda hadashey waxay ka soo wada mid ahaayeen Badbaado Qaran balse maanta isaga aya ka soo horjeedaan.
Ilo wargal ah oo si dhaw ula socda habdhaqanka HSM waxay noo cadeyeen in uu rabo qaldo bulshada Soomaaliyeed islamarkaana uu beesha Caalamka kaga rabo dhaqaale miisaaniyadeed oo kaga badbaado dhaqaale la’aanta heysato.
Xasan Shiikh shaley iyo Xasan maanta ficilooda wey iska hor imanayaan wuxuuna hada iska dhig dhigaa Farmaajo oo ahaa Ninkii uu 5 sano dagaalka ku soo hayay
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com