Soomaalaiya oo cagta saartay waddadii burburka hadii sida ay hada wax u socdaan u fulaan.
Sida muuqato oo dadka dhan ay u wada jeedaan waxaa cad in Dalka Soomaaliya maanta looga taliyo Dalka Jabuuti amaradana laga qaato madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle , Iyadoo aysan sababo keeni karta arinkaasi.
29 May 2023 waxaa Baarlamaanka JFS furitaankiisa goobjoog ka ahaa wafdi heer Baarlamaan ah oo ka socdey Baarlamaanka Dalka Jabuuti, sabab ay uga soo qeyb galeena ma jirto caalamkana kama dhacdo Baarlamaan Dal oo kalfadhigooda furanayaan inay soo dhex fariistaan xubno ka baxsan Golayaasha Baarlamaanka , hadii ay booqasho xiriir is dhaafi ku joogeen ama tababar waa wax kale oo meel gooni ah ah baa laga fariisin lahaa balse inay khudbad ka dhex jeediyaan waa waxa cad ee loo haayo in Xasan Shiikh uu maanta ka amar qaado Ismaaciil Cumar Geelle .
Hada aan idin la hadlaayo wuxuu dhuumasho ku joogaa Dalka Jabuuti Safar aan hore loo sii shaacin ilaa haatana kama aysan hadlin warbaahinta madaxtooyada Qaranka .
Iyadoo uu wadanka galey mar xaalad kale oo jahwareer ah kadib markii 27 May Shirkii Madasha ay ka soo baxeen go’aan taabanaya Dastuurka Dalka ama ka hor imaanaya
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com