Dowlad-goboleedka Puntland ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ay ku bogaadineyso doorashada shalay ka qabsoomtay deegaanada maamulkaasi.
Maamulka ayaa waxa uu si weyn ugu bogaadiyay doorashadii shalay oo aheyd mid taariikhi ah shacabka reer Puntland, beesha caalamka iyo guddiga KMG ee doorashooyinka maamulka, oo iyagu kaalin mug leh ka qaatay hanaanka doorashada iyo inay si hufnaan leh ku qabsoomto.
War-saxaafadeedkan oo kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa loogu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada kale ee xubnaha ka ah inay sidaas oo kale qaataan nidaam dimuqraadi ah oo toos ah
Puntland ayaa waxay dhinacyadaas ugu baaqday inay ka shaqeeyaan hanaankii deegaanadooda loo gaarsiin lahaa hanaanka doorasho qof iyo cod ah, taasi oo awood u siinaysa shacabka inay soo doortaan madaxdooda metalaysa, islamarkaana kobcineysa dhaqan ballaaran oo isla xisaabtan ah.
“Iyadoo la tixraacayo horumarka la wadaago, waxaan ugu baaqaynaa Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka Soomaaliya (FMSs) ee Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay sidaas oo kale qaataan nidaam dimuqraadi ah oo toos ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com