Sharciga maanta Moqdisho ka jiro waa mid ah la jiifiyaane banaan la joojiyaane banaan ayaa lagula dhaqmayaa Manar Macalin oo ah gabar ganacsato ah oo ka timid London oo ku leh magaalada Muqdisho 3 meel oo ganacsi ah mid waa Hotel & Maqaayad , labada kale waa meel Dhalinyarada ku caweyso oud Qurbajoogta maqaayada la dhaho Ka shekee oo live music laga garaaco iyo meel lagu cabo Shiishada oo ah Posh Treats .
9 sano ka hor ayay Dalka ku soo laabatey oo ka biloowdey ganacsiga ugu horeeyay 2016 ayaa weerar laga soo qaadey lagu beegsanayay oo rag ka tirsan NISA & Wariyayaal ay ka mid ahaayeen waxaana ka daafacey markii dambe Gen Indhoqarshe oo reer Abti u ah Manar Macalin Qabiil ahaan, 2017 & 2021 waxay ku dartey labo meherad oo cusub midna hotel yahey hal mar oo Alshabab weerar ku soo qaadey maahee maalin Ciidanka Dowlada iyo madax ma soo weerarin.
Hasa yeeshee Beegsiga la beegsanaayo Gabadhaan wuxuu salka ku hayaa in gacansiga in laga disho ama lagala wareego madaama ay heysato suuq fiican sababta waxaa ka garan kartaa Posh Treats oo ah meesha Ciidanka Dowlada todobaadkaan ay dhac iyo Boob iyo weliba burbur hanti ay ka geysteen xaruunteeda kadibna ay tageen Hotel albaabada ay iskugu dhufteen waxaa u dhaxeeya labadeeda meel 3 meel oo ka furan tahey Shiishad inta la agmarey ayaa kuweeda la galey lana dhacey kadibna lagu dameeyay burburin hanti .
Waxaa ayaandaro ah in cid wax iska warsatey ma jirin aan ka aheyn dad ka xumaadey heyb sooca iyo awooda loo sheeganaayo gabartaas Soomaaliyeed ee ka soo jeeda beelaha aan hubeysneyn.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com