Mudane Madaxweyne is xisaabi inta aadan dadka xisaabin.

Mudane Madaxweyne is xisaabi inta aadan dadka xisaabin.

Kuma weydiinaayo Aadanyabaal iyo Marka iyo baydhaba iyo meel kale laakiin waxaan ku leeyahay maka  war qabtaa Xamar?

waxaa kale oo aan wax kaa weydiinayaa tan iyo markii aad madaxweynaha naqatay meeqo Bajaajle ayaa lagu dilay isgoyyada Muqdisho ee aad ciidamada dhigteen?

Arintaas tiro koob maka haysaa?

Waxaa kale ee aan ku weydiinaa meeqa kabar oo lagu gado daroogada noocyadeeda kala duwan sida Cirbadaha,Xashiishka,Khamriga iyo kaniinayaasha ayaa si caadi ah uga furan wadooyinka Muqdisho !

Mudane maka warqabtaa kalaabyada ka furan Muqdisho ka soo biloow Cabdicasiis ilaa km5 kuwaas oo lagu iibiyo gabdhaha Soomaaliyeed jirkooda iyo noocyada kala duwan ee Daroogada mase ogtahay qaarkood in ay shaqeeyaan todobada habeen nimo ilaa todobada subaxnimo mase ogtahay in dhamaan ay ku furan yihiin laguna difaaco shaarka dowladda ?

Mudane ma ogtahay dadka ka shaqeeya canshuuraha iyo wasaaradda maaliyadda in ay yihiin kuwa magaalada ugu taajirsan ?

Mudane ma ogtahay dadka laga soo aruuriyo xaafadaha Muqdisho oo laysku sawiro kadibna la sii daayo in aysan badankood ahayn danbiilayaal ee ay yihiin dhibanayaal ?

Mudane ma ogtahay in shucuubtu ay fiicnaato Marka uu hogaankoodu fiicnaado?

Mudane ma ogtahay cadaalad darada ka jirta nidaamka shaqada in ay qayb ka tahay amni darada tusaale Ahaan shaqaalaha eriboorka oo gaaraya 430 qof ma ogtahay in 85% ay yihiin hal beel kuwaas oo ku helay shaqada awooda taliyihii  hore ee laabta socdaalka (Koofi) ?

Mase ogtahay in CID-da ay dadka la gasho wada hadal si wax looga badalo kiisaska dacewada?

Mudane Ma ogtahay in shaarka dowladda lagu dulmiyo dadka.?

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here