Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka cusub ee Itoobiya (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho waxa uu maanta ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya u joogi doona dalka, Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

“Gudoomiye Aadan Madoobe iyo Danjire Waare ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood, isagoona ka guddoomay dhambaal salaan ah uu ka siday Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Itoobiya, waxaana uu sheegay in la adkeeyo xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Somaliya iyo Itoobiya.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Safiirka ayaa Gudoomiyaha uga mahadceliyay sida loogu soo dhaweeyay dalka, isagoona xusay in labada dal ay ka wada shaqeeyaan dhinacyada horumarka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaalanka kooxda Khawaarijta Al Shabaab.”

Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan Danjire Mukhtaar Maxamed Waare u soo magacawday inuu noqdo Safiirkeeda xigga ee Somaliya, isagoona bedelaya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here