Gaal wadaag: Xog muhim ah iyo Sirta lagaa qariyoXog badan oo ku saabsan sida Macdanta Dalalka Afrika loo dhaco iyo sida lacaga loo dhaqo ka fiirso Vedioga Hoose.

Macdanta iyo Lacag dhaqidda , Hore ayaan uga hadalnay in waxa ugu badan ee hadda dalka laga dhoofiyo ay tahay Dahabka iyo Macdan kale oo ka qaalisan iyo in Dalka ay ku yaaliin Warshado waaweyn oo Macdanta lagu habeeyo.

Dahabka iyo Macdanta kale Hadaan si fiican loo Maamulin waxa ay keenaan: Nabad galyo xumo, Lacag dhaqid “Money laundry” oo ah: lacag si sharci daro ah lagu kasbaday in lagu xalaaleeyo iyo Fakhri baahsan oo Dalka ku fido halkii hodannimo laga filayay Sida ka dhacday meelo badan oo Afrika ah.

Macdan Dhoofintaa, Dowladda dhexe wax awood ah kuma leh, waxaa gacanta ku hayo kooxo ka awood badan oo Ajnabi iyo Somali isagu jiro sida Madaxda Gobaladda, Ganacsato, Siyaasiyiin, Culimo, Odayaal dhaqan iyo dhalin yaro si gaar ah loogu tabab baray Ciidan ahaan.

Badanaa Lacag dhaqidda waxaa la sii marsiiyaa Dubai sida aad Vedio-ga ku arki doonto. Waxaa kale oo jira qurba joogta iyo kuwa kale ee helo Malaayiin Lacag sharci daraa ah, Lacagtaa oo toos aan loo geey karin Wadamada Reer Galbeedka. Badanaa waxaa Guryo looga gataa Kenya, Turkey iyo meela kale, kadib ayaa Guryahaa lasii iibiyaa oo loo wareejiyaa Lacagtaa Reer Galbeedka iyada oo la leeyahay waxaan iska sii iibiyay Guri aan ku lahaa wadankaa.

Macdanta laga soo saaro Bartamaha Afrika somalidu saamiyo ayeey ku leedahay.

Hayadda Somalida ee la dagaalanka Lacag dhaqida, waxaa la yiraa, Madaxdeedu Aqoon sare uma lahan shaqadooda, waxa la filayay in ay hoos tagato Bangiga dhexe iyo NISA, laakin hadda waxa ey u muuqataa in ay ka Madaxbanaan tahay, Bacdamaa kharajkeeda laga bixiyo Dibadda. Shaqaalaheeduna ay qaataan mushaar u dhexeeyo $ 10,000-20,000.Waxaana u suura gasho in a Hanti badan Dibadda geeystaan. Haddii ay dhamaato Mudda Xileedka Hayadu, Dowladda Dhexe male awood ay xilka uga qaado Sababta oo ah Hayadu wax ay Mushaar siisaa, Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka difaaco Dowladda Dhexe, sida Hayado badan oo kaleba ey sameeyaan.

Xog badan oo ku saabsan sida Macdanta Dalalka Afrika loo dhaco iyo sida lacaga loo dhaqo ka fiirso Vedioga Hoose.

Qore: Yahya Amir

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here