Tan iyo markii ay Soomaaliya ka baxday ku meelgaarnimadii, dibna u hanatay dowladnimadeedii, waxaa lagu haminayey in amnigu ka soo fiicnaanayo maadaama amnigu yahay furaha nolosha iyo horumarka, laakiin ma dhicin sababo kala duwan awgood.
Waxaase ugu weyn,Inta badan taliyaasha laguma soo xulo karti, aqoon iyo aaminaad, ee waxaa lagu doortaa in lagu qanciyo qabiil iyo in uu yahay nacamleeye.
Soomali waxey tiraahdaa “tuug tuug ma qabto”.
Mudane madaxweyne, Madaxweyne tuug ah soo ma qabto Ra’iisalwasaare tug ah,
Ra’iisalwasaare tug ah soo ma qabto Wasiiro tug ah
Baarlamaan dhaqaale doon ah,ma hor keeno Baarlamaanka tugada aan kor ku soo sheegay.
Taliye tuug ah, Askari tuug ah, kuu soo qaban maayo amnina kuu sugi maayo. Kasoo mar kii sii hore lagu soo xushay hab qabiil wax kuu tari maayo horaa loo soo arkay.
Wax kasto ay ahaataba, “caano daatay dabadood la qabay” ee mudane madaxweyne wali fursad baa heysataa aad dib u habeyn dhab ah ugu sameynkartid Hay`adaha amniga. Amnigii caasimadda iyo kii waddankaba waa liitaan ee qaado go`aan geesinimo leh sida aad u qaadatay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo soo xul taliyayaal leh karti, daacadna ah kana fog qabiil iyo eex si ummadan Sommaaliyeed ee dhibaatooyinka lasoo darsay ay uga baxaan.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com