kuwii Dambiga iga galay Shalay oo heshiis ah, Anigana ii heshiiyay, welina dhibkii igu wado

kuwii Dambiga iga galay Shalay oo heshiis ah, Anigana ii heshiiyay, welina dhibkii igu wado, ayaa la i leeyahay weli waa kuu sii joogayaan isla iyagii ayaana kuu Madax ah kuguna Matalayo Siyaasad iyo Dhaqanka Heer Federaal iyo Heer Maamul Gobal. Maxaa is bedelay?.

Somali heshiis ah, Dunidana la heshiis ah waan rabnaa. Laakin, Maya, Maya dhibanihii ayaa Dhibihii loo sii fasaxay in uu Gurigiisa ku maamulo, taa Raali ku noqon meyno. Mas ayaa yiri: inta uu kuu muuqdo Qabrigii Wiilkaagii, Anna aan u jeedo Raadkii Faashkii aad igu dili leheyd is aamini meyno. Abwaan Somaliyeed ayaa yiri: Ma anbaa la ii qarin Magliga leeygu qali doono.

Ma kii aan Qaranka ka badbaadinayay wakhtigii” Badbaado Qaran” ayaan Qoorta u dhiibtaa. Taa ha iga sugin, Dagaal ma rabo, Dulmina Aqbali maayo, Xuquuqdeydana Cidna uga tanasuli maayo, ilmaheygana Gunnimo iga dhaxli maayaan.

Haddii Somali la heshiisiinaa, Quluubtooda ha laga soo bilaabo ee yaan indhaha faashad na looga xirin oo wax aan is qabaneeyn yaan Sharooto khafiif ah la iskula xirin ( F.S: 1-3aad)

Siyaasiyiintu Yeyna Dadka Cadawgooda ugu tilmaamin meel uuna jiran, Bisha Oktoobar Bilaha kama duwano, Dhibaatooyinkii dhacay yaan loo qabsan Bisha Oktobar ee Cidii dhab ahaan ka masuulka aheyd hala raadiyo.Tusaale

  1. 29 Okt.2008 Qarixii Hargesa iyo Bosasso
  2. 4 Okt.2011.Qarixii labaad ee Hargesa
  3. 4 Okt. 2011.Qarixii Hargaha iyo Saamaha.

4.14 Okt. 2017. Qarixii Soobe.

  1. 28 Okt . 2017. Qarixii Naasa Hablood.
  2. 3 Okt. 2022. Qarixii Lamagalay B/weyn
  3. 17 Okt.2022.Qarixii Xamar jab jab.
  4. 17Okt.2022. Qarixii Ceelqalaw.
  5. 19 Okt.2022. Qarixii Buundad B/barde

10.19 Okt. 2022. Qarixii Jalalaqsi.

  1. 23 Okt. 2022.Qarixii H/Tawakal Kismayo
  2. 29 Okt.2022.Qarixii Labaad ee Soobe
  3. 15 Okt.1969. Dilkii Md.Cabdirashiid Cali
  4. 21.Okt.1969. Afgambigii Ayaatiinka xumaa.

Caalamkuba waa qabaa Dhacdooyin Oktobar dhacay Bisha Oktobarna looma qabsan ee kuwii Dhibaatada ka dambeeyay ayaa la raadiyay, Haddii aan qeyb ahaan soo qaadano hal Maalin 14 Oktobar.sida:

14.Okt. 1913.Qarixii Wales Coal Mine UK waxaa ku dhintay in ka badan 400 Qof. 14 Okt.1935 League of Nations ayaa Talyaaniga Cunaqabteyn ku soo rogay. 14 Okt.1938 Nazigii Jarmalka ayaa weeraray Clergy Austria. 14 Okt.1941 Dagaalkii 2aad ee Aduunka Haweenkii iyo Caruurtii Ruushka ayaa la amray in ey Magaalooyinka ka cararaan oo Duurka galaan.

Dambi male Busha Oktobar ee Dad ayaa leh Dambigaa, kuwa leh Dambiga, kuwa aan aheyn yaan naloogu timaamin.

2axaa jiro Somali heshiis ah, Dollarna heshiis la ah, kuwo Xilka heshiis la ah, kuwo Sheydaan heshiis la ah, kuwo Cadawga ummaadda Heshiis la ah, kuwo heshiis ku ah in aan la heshiin, kuwo in ey Aniga iyo inta dhiban sii dhibaan heshiis ku ah, kuwii Shalay i dhibayay oo heshiis ku ah in ey i sii dhibaan, ha iska dhicinna la i leeyahay. Taa maya in aan Cafiyo iyo in aan iska celiyo waa Wax Aniga ii yaal.

Ogoow Dadka rabo Somali heshiis ah Dunidana heshiis la ah in aan Anigu ugu horeeyo. Laakin wadadee loo maraa?

FG: Aragtidaada Xur ayaad u tahay,wixii ka khaldan ka sax, wixii ka dhiman ku dar.

Qore: Yahya Amir

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here