Dhac iyo boob dadban oo lagu rabo in lagu xaraashto hanti ma guurta ah ay leedahay ummadda Soomaaliya.

Dhac iyo boob dadban oo lagu rabo in lagu xaraashto hanti ma guurta ah ay leedahay ummadda Soomaaliya.

Waxaa na soo gaartay guryahii dowlada Soomaaliya ku laheeyd wadanka Talyaaniga oo lagu magawaabo ologiata isolo 25 oo ahaa guri saffiirka Soomaalida u fadhiyo degganaanjiray oo lagu rabo in la xaraashto hanti ma guurtada ah ay leedahay Soomaaliya

Arrintaani waxay ka soo bilaabatay markii Avvocato Ducaale uu dacwad ku furay Safaaradda Soomaalida ee Roma isagoo weydiisanaayo lacag dhan 400.000  Euro oo hadda aanan ogayn shaqada uu ku qabtay.

Avvocato Ducaale ayaa Maxkamadda talyaaniga ay muddaysay in la dhegaysto dacwada labada dhinac waxaa la sheegay in uu san imaan ninkii difaaci lahaa Safaaradda loo xilsaaray oo ahaa Avvocato Cali Marduud sababta lama yaqaanno saas darteed waxaa loo xukumay Avvocato Ducaale in la siiyo lacagtii uu soo sheegtay.

Avvocato Ducaale Muddo ka dib markii la siin waayay lacagtii, wu xuu dacwad Kale ka furay Maxkamadda uu leeyahay lacagtii la II xukumay weli la ima sii waxaan rabaa in guriga ee deegaanka ahaa ee Safaaradda in la ii iibiyo si lacagteyda la iiga siiyo.

Maxkamaddii waxay magacawday sii hayaha guriga isla markaasina waxay magacawday aqoonyahan dhismo si uu u soo qiimeeyo guriga taasi oo keeni karto in lagu soo qiimeeyo lacag heshiis lagu yahay si looga loo qaniimeeysto.

Waxaa la yaab leh maxaa wax looga qabanwaayay arrintaa inta aysan heerkaan soo gaarin.

 

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here