Masuuliyiin isugu jira heer gobol iyo heer Dowlad Goboleed ayaa ku dhintay qaraxyadii mataanaha ahaa ee maanta lagu qaaday Xerada Lama Galaay ee Magaalada Beledweyne.
Dadka illaa iyo hadda la xaqiijiyay inay qaraxyadaasi ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ah Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle, Sakariye Maxamed Axmednuur (Hurre) iyo Gudoomiye Kuxigeenkii Maamulka & Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan, Abuukar Cabdullaahi Maadeey.
Sidoo kale waxaa jira dad rayid ah oo qaraxyadaasi ku dhintay, kuna dhaawacmay, sida ay Wariyeyaasha soo sheegayan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay jiraan Saraakiil Ciidanka Xoogga Dalka ka tirsan oo qaraxyadaasi ku dhaawacmay, xaaladoodana lagula tacaalayo goobaha caafimaadka ee magaalada ku yaala.
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta goobta ay qaraxyadu ka dhaceen, oo ay ku taalo Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle, waana goob ay ku badan yihiin masuuliyiinta Gobolka Hiiraan iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Illaa iyo hadda inta la ogyahay ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadan, inkastoo si dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com