Madqxweyne Cali Guudlaawe oo iclaamiyay in laga ciribtiraayo qawaarijta AlShabaabSoomaaliya gaar ahaan Hirshabelle Galagaduud iyo Gal Mudug ay Besha dagto.

Cali Guudlaawe oo soo dhaweyn weyn loogu sameeyey degmada Cadale ayaa shacabka u sheegay in in besha mudulood ay ka go’antay in ay iska dul qaadaan kooxdaan diinta ku qaraabato e mafiyada ah

islamarkaana laga xoreeyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada HirShabelle Galgaduud iyo Gal Mudug.

“Waxaan rabaa bulshada ku nool gobolka Shabeellada Dhexe, gaar ahaan degmada Cadale oo aan ku suganahay iyo degmooyinka kale ee an ku jiheysanahay Inshaa Allah inaan u sheego in booqshooyinkii aan ku imaan jirnay ay midaan tahay mid ka duwan,” ayuu yiri madaxweyne Cali Guudlaawe.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in booqshada uu ku yimid Cadale ay tahay midii looga xureenlahaa deegaanada aan degno HirShabelle, Galgaduud iyo Gal Mudug

 “Waxaan rabaa nimaankaan horumarka u diiday ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada ah ee aan saqiir dhaafeyn oo aan waayeel dhaafeyn meel looga baxsanayo la waayey oo masaajidka haddaad tagtana kugu dhex dilayo inaan gacanteena isaga xoreeno ayaa la rabaa.”

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here