Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tacsi u diray dadkii waxyeelada ka soo gaartay qaraxii maanta xerada lama galaay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka soo jeedaan ragii iyo dumarkii oo qaraxa arxan laawayaasha la beegsadeen xerada lama galaay, ehelada iyo dhammaanba shacabka Soomaaliyeed, ee ay ka geeriyoodeen Allaha u naxariistee.

Wasiirkii Caafimaadka Hirshabelle, Sakariye Maxamed Axmednuur (Hurre), Xildhibaan Geelle Isaaq Warsame, Gudoomiye Kuxigeenkii Maaliyadda & Siyaasadda Gobolka Hiiraan, Abuukar Cabdullaahi Maadey iyo dhammaan dadkii kale ee ku dhintay qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in argagixisadu ay cadow ku yihiin jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, ayna caadeysteen gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay inay ku jabeen dagaaladii u dambeeyay ee lagula galay deegaanada Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in si wadajir ah ay uga qaybgalaan hawlgalada dalka looga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxyadii argagixiso ee ka dhacay Magaalada Beledweyne waxa ay ka marag kacayaan, sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.” Ayuu Madaxweynuhu ku sheegay warsaxaafadeed.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga oo buuxiyay ayaa barqanimadii maanta lagu weeraray Xerada Lama Galaay.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here