HOGGAANKA BEESHA WARSANGELI HARTI ABGAAL
Hoggaanka Beeshu wuxuu ka kooban yahay mid dhaqan, bulsho, dhaqaale iyo mid siyaasadeed.
Siyaasadda dalku dastuur iyo sharci ahaan waxay ku salaysan tahay siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, midda Dowlad Goboleedyada iyo siyaasadda Xisbiyada Madaxabannaan. Sidaas darteed, siyaasad qabiil nidaam ahaan ma jirto.
Qabiil ama beelu waxay yeelan kartaa hoggaan dhaqan (Nabadoonno), hoggaan bulsho (jilayaasha adeegyada caafimaadka, waxbarashada, masaajiddada, ceelasha biyaha iyo waddooyinka iwm), hoggaan dhaqaale (ganacsatada). Waxaase matala xubno siyaasadeed oo ka kooban madaxda ka midka ah goleyaasha siyaasadda dowladda ee heer qaran iyo
maamul goboleed.
Dhammaan hoggaannada kor ku xusan oo iskaashaday waxay taabbagelin karaan barnaamiyo ama mashaariic horumarineed oo ku qotoma adeegyada bulshada ee aan kor ku soo sheegnay.
Sidaas awgeed, beesha Warsangeli waxay u baahan tahay midnimo iyo isku duubnaan lagu wajihi karo hindisaha, qorshaha iyo meelmarinta danaha dadkeenna iyo deegaannada ay degaan ama qayb ka degaan.
Beeshu waxay leedahay gole dhaqan oo ah duubka, nabadoonnada iyo siyaasiyiin xilal haaya iyo kuwa hore u soo qabtay oo iskaabaya. Haddaba, si wada shaqayn iyo wadatashi loo helo Warsangeli wuxuu yeelanayaa Gole Guud oo kulminaya madaxda dhammaan qaybaha ay kooban tahay bulshadeennu. Si loogu tallaabsado arrimaha kor ku qoran oo dhan beeshu waxay u baahan tahay in ay dhisato ama macagaabato gole horumarin (Development Council) oo leh qaab-dhismeed iyo xeer lagu maamulo. Goahaas oo ka kooban aqoonyahanno (wiilal iyo gabdho) leh waayo-aragnimo, karti iyo hufnaan ay ugu shaqeeyaan dadkooda iyo deegaannadooda. Golaha Horumarinta Beesha Warsangeli wuxuu yaalanayaa Guddoomiye, G/Xigeen, Xoghaye Guud iyo xubno (tirada waxaa lagu xadidi doonaa shirweyne Warsangeli).
Golaha Horumarinta waxaa ka farcamaya guddiyo farsamo oo ka shaqeeya baahiyaha kala duwan ee bulshadeenna sida:
- Guddiga Waxbarashada
- Guddiga Caafimaadka
- Guddiga Samafalka
- Guddiga Amniga
- Guddiga Qorshaynta
- Guddiga Dhaqaalaha iyo Maaliyadda
- Guddiga Xiriirka Jaaliyadaha
- Guddiga Dhallinyarada iyo Isboortiga.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com