General Ibraahim Yuusuf oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada badbaado qaran ayaa sheegay inay ka qayb qaadanayaan hawlgalada uu yoolkoodu yahay in lagu wiiqo Al Shabaab.

Warar aan ka helay saraakiil aan ku kalsonahay ayaa ii sheegay in Dagmada Cadale ee Maamulka hirshabelle ayaa caawa waxaa gaaray illa afartameeyo baabuuur oo tigniko ayadoo sidoo kale berito dagmada Cadale ay ku soo wajahanyahiin lexdan tigniko oo qalabkooda u dhanyahay dhabyahay si loogu diyaargaroobo guluf ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Hirshabelle ayaa dooneysa inay ku biirto hawlgallada ka soconaya qaybo ka mida gobolada dalka, ee ujeedkiisu yahay in Shabaabka lagaga xoreeyo dalka.

Saraakiisha Ciidamada Badbaado Qaran ayaa abaabul iyo diyaargarow ciidan ka wada dagmada Cadale

Saraakiisha ayaa Sabtidii kormeeray xeryaha Ciidanka Daraawiishta, iyagoona ciidamada ku wargeliyay inay u diyaargaroobaan, sidii guluf mideysan loogu qaadi lahaa Al-Shabaab.

General Ibraahim Yuusuf oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada badbaado qaran ayaa sheegay inay ka qayb qaadanayaan hawlgalada uu yoolkoodu yahay in lagu wiiqo Al Shabaab.

“Waad ogtihiin dalka Somaliya waxaa ka socdo maanta, dadkii shacabka ahaa ayaa waxay go’aansadeen inay iska dulqaadaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab, annagana wixii hadda ka dambeeyo dhufeyska aad ku jirteen muddada dheer ee 10-da sano ku dhow, kuma sii jiri doontaan, Insha’Allah. Dhufeyskana waan ka baxaynaa, goobaha ay jooggaan iyo meelaha ay naga soo weerarayeen baan aadaynaa,” ayuu yiri General Ibraahim Yuusuf.

General Ibraahim Yuusuf. ayaa yiri “Waxaan haysanaa Dowladda Soomaaliyeed iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle oo isku xiran, gacmo wadajir bay wax ku gooyaanee oo maanta is haysto oo is taageerayo, baahida aad qabteena soo haqabtireyso.”

Waxa uu intaas ku daray “Waxaad sugeyseen oo maanta wax idinkaga farxad badan ma jiro in la idiin yiraahdo berri Masaajid Cali Gaduud ama Ruun Nirgood iyo Aadan yabaal ayaa la tagayaa, wax idinkaga farxad badan inaysan jirin waan ogahay. Waa waxaad sugeyseen, wixii la sugaaba mar bay dhacaan, Ilaahay baa ku mahadsan.

Cabdulkadir Qanjey

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here