Socdaalka Madaxweynaha ayaa imaanaya, xilli Gobolka Hiiraan uu ka socdo guluf Shabaab lagaga saaro deegaanada u dhaxeyso Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo Isniintii gaaray degmadaasi iyo xubno ka tirsan Labada Gole ee Hirshabelle & Saraakiisha Ciidamada.

Madaxweynaha ayaa degmadaasi kaga qaybgalay kulan lagu soo dhaweynayay wafdigiisa, oo qaybaha bulshaduna ay qayb ka ahaayeen.

Madaxweynaha oo kulankaasi ka hadlayay ayaa sheegay inay Buulo Burde u yimaadeen xoojinta gulufka militari ee haatan ka socdo qaybo ka mida gobolkaasi iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka ay abaartu saameysay.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa tilmaamay inay guddi u magacaabeen hawlgalada ka socdo gobolka, oo gudoomiye uu u yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle, Cabdiraxmaan Daahir Guure (Karoore), kaas oo xaqiijin doono xaaladaha deegaanada laga saaro Shabaabka, abaabulka iyo dardargelinta hawlgaladuna uu leedahay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan.

Guudlaawe ayaa carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay in Shabaab lala dagaalamo, isla-markaana laga xoreeyo deegaanada Hirshabelle oo dhan, dagaalkuna uu socon doono, illaa iyo inta taako ka mida ay Hirsabelle ka jooggaan.

Socdaalka Madaxweynaha ee degmadaasi ayaa imaanaya, xilli Gobolka Hiiraan uu ka socdo guluf Shabaab lagaga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin inta u dhaxeyso Degmooyinka Matabaan iyo Maxaas.

   

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here