Maanta oo kale 26 sano ka hor ciidanka Itoobiya ayaa weerar cir iyo dhul ah ku qaaday gobalka Gedo. Waxaa soo gudbay ciidammo tiro badan oo wata taangiyo iyo diyaarado. Waxaa ay duqaymo ka gaysteen Luuq iyo Boholgaras. Sidoo kale waxaa ay galeen magaalooyinka Baladxaawo iyo Doolow. Waxaa ay laayeen dad badan oo shacab ah. Waxa ay kala sooc la’aan duqaysay masaajidda, guryaha iyo suuqyada. Dadka ay ku laysay masaajid dhexdiis waxaa ka mid ahaa AUNtee Aadan sheekh Xasan Gaas oo ahaa guddoomiyihii dagmada Luuq waqtigaas.
Hasa yeeshee dhibtii maalintas dhacday waxaa milyan jeer ka darnaa wixii ka dhashay. Maalintaas laga billaabo waxaa isbaddalay aragtidi ay Itoobiya ka haysatay Soomaalida. Waxaa dibadda yimid daciifnimada hoggaamiyayaashi Soomaalida Itoobiyana si wacan ayay uga faa’iidaysatay. Waxay billowday in ay Soomaalida ula dhaqanto sidii dad aan dal iyo dowlad lahayn oo ah qabiillo reer guuraa aan nidaam aqoon ah. Waxay xoogga saartay sidii ay maamulkeeda u hoos keeni lahayd. Gedo ayay si dhaqsa ah u milkiday. Waxay xarummo rigli ah ka samaysatay Luuq oo ilaa maanta daggantahay. Baay iyoBakool ayaa ku xigsaday ugu danbayna waxaa gacanteeda galay caasimadda dalka 28/12/2006 toban sano ka dib weerarki Gedo.
Sidoo kale 9/8/1996 waa maalintuu uurgalay ururka Alshabaab oo ah halista ugu weyn ee maanta ina haysa. Goortii Itixaad laga qabsaday magaalooyinka waxaa ay billaabeen in ay jamhadeeyaan. Dhammaan taatikooyinka uu maanta Shabaab isticmaalo markaas ayay soo billowdeen oo marki lasii xanuujiyaba wax ay ku sii darayeen. Madaxjabiska, gowraca iyo jid miinaynta iyo kuwoo kaloo badan ayaa barigaas billowday. Ka dib markii u dagaalki dheeraaday oo dhibtii badatay waxaa shir sanadeedki Itixaad lagu qabtay Xamar 31/7/1999-05/08/1999. Shirkaas waxyaabihi kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in hubka la dhigo oo dhallinyarada la kala diro. Laakiin waxaa diiday go’aankaas kooxda noqon doonta madaxda Shabaab sida Xasan Daahir iyo Ibraahin Afqaan. Laakiin lama aysan bixin magac cusub ilaa laga soo gaaray 2006.
Sidaas darteed dhammaan dhibaatooyinka dalkeenna ka jira waxay si un xiriir ula leeyihiin weerarki 1996-ki Xabashidu ku qaadday Gedo. Hasa ahaatee maalintaas sidaas u culus cidna isma waydiin sababti keentay maxay ahayd? Sidoo kale, ma soo jiidan indhaha cilmibaarayasha iyo taariikhyahannada. Hubaashi waaba la iska illaaway. Inshallahu buug dhawaan soo bixi doona ayaa kaalintaas dabooli doona. Buuggu wuxuu isku dayini doonaa inuu bidhaamiyo waxyaabihii soo dhacayay ee sababta u noqday in ay dhacdo 9/8/96. Wuxuu sidoo kale buuggu ku dedaali doonaa inuu tilmaamo shaqsiyaadki ka masuulka ahaa wixii dhacay, ugu danbayna wuxuu soo bandhigi doonaa in la baaqsan karay weerarkaas iyo kale.
Maanta se aan xusno dadkii Xabashidu sida arxandarrada u xasuuqday 9/8/1996 ee carruurta, haweenka, waayeelka iyo xufaadda lahaa innagoo u ducaynayno dhammaan, sidoo kalana wadaagayno magacyadii intii nasiibka u yeelatay in kaydiyo. Hoos waxaa ku qoran magacyada 122 qof oo Xabashidu ku dishay Luuq iyo Baladxaawo 9/8/1996. Waxaan kasoo raray magacyadaan iyo qabiilooyinka ay u dhasheen buugga Cadowkeennu waa Kuma ee uu qoray Cabdullahi Faarax Taano. Tirada dhimashadu intaas waa ay ka badnayd ee intaan waa intii ay suuragashay in magacyadooda la qoro.
Magaca | Qabiilka | |
1:Jaamac Cabdullahi Faarax | Marreexaan Celi | |
2: Cabdullahi Muxammed Tareey | Marreexaan reer Axmed | |
3: Cabdinaasir Cabdullahi Macallin | Marreexaan Wagardhac | |
4: Cabdirashiid Faarax Cali (Faarax Taano) | Marreexaan reer Diini Reer Siyaad | |
5: Cabdi Maxammed Xaashi | Marreexaan Uurmidig | |
6: Maxammed Sheekh Axmed | qolo uu yahay lama helin | |
7: Gaasow Xaashi Shire | Marreexaan reer Axmed | |
8: Ibrahim Maxammed Dhaqane | qoladiisa lama helin | |
9:Cabdi Axmed sheekhdoon | Marreexaan Wagardhac | |
10: Axmed Cabdi Faarax (Qablan) | Marreexaan reer Diini reer Siyaad | |
11: Ciise Cabdiraxmaan Ducaale | Marreexaan Calidheere | |
12:Cabdirisaaq Xasan Sh. Yuusuf | Marreexaan Calidheere | |
13: Cabdirisaaq Daahir Xirsi | Marreexaan reer Diini reer Warsame | |
14: Cabdirisaaq Axmed Warsame | qolodiisa lama helin | |
15: Axmed Ismaaciil Qoslaaye | Marreexaan Calidheere | |
16: Xasan Maxammuud Iinshaar | Marreexaan Calidheere | |
17: Cumar Khaliif Maxammuud | Marreexaan reer Axmed | |
18: Cabdiraxmaan Oogle Jaamac | Marreexaan reer Diini reer Ugaas Sharmaake | |
19: Amina Hurdaaye | Marreexaan Calidheere | |
20: Cabdiraxmaan Cabdi Cilmi | Marreexaan Wagardhac | |
21: Buulle Diiriye Ciye | Marreexaan Calidheere | |
22: Axmed Ibrahim Xuseen | Marreexaan Calidheere | |
23:Saciid Cabdikariin Warsame | Marreexaan Calidheere | |
24: Jaamac Cabdi Yarow | Absame Bartire | |
25 maxammed Cabdullahi Cali | Raxanweyn Laysaan | |
26 Maxammed Carab Maxammuud | Marreexaan Calidheere | |
27:Xuseen Shuqul | Marreexaan reer Cismaan | |
28:Cabdiqaadir Axmed Ciise | Marreexaan Wagardhac | |
29: Addeec Cali Hanbo | Marreexaan reer Axmed | |
30:Cali Cabdulle Hiire | Marreexaan reer Diini reer Dalal | |
31: Cabdikariin Cumar Aadan | Marreexaan reer Diini reer Allamagan Diini | |
31 Macallin Yuusuf Magaalle | Marreexaan reer Xasan | |
32: Macallin Aadan Cabdinuur | Marreexaan reer Xasan | |
33: Cabdirashiid Cumar Cilmi | Marreexaan reer Diini reer Shirwac Diini | |
34: Xuseen Ooyow Soomow | Murale | |
35: Maxammuud sheekh Faarax | Marreexaan reer Axmed | |
36 Cabdi Cali Gargaar | Marreexaan reer Axmed | |
37 Yuusuf Caydiid Biixi | Marreexaan reer Axmed | |
38: Maxammed Umal Iinshaar | Marreexaan Calidheere | |
39:Cabdinaasir sheekh Xasan | Marreexaan reer Xasan | |
40: Ibraahin Magaalle | Marreexaan reer Xasan | |
41: sheekh Maxammed Xasan Cali | Dir Gariire | |
42: Maxammed Cabdi Guure | Ogaadeen Cawlyahan | |
43: Xasan Cabdiwaaxid sh Cabdullahi | Marreexaan reer Garaad | |
44: Maxammuud Faarax Maxammed | Marreexaan Calidheere | |
45: Cumar Xaaji Aadan | Marreexaan reer Diini reer Siyaad | |
46: Muuse sheekh Cabdi | Marreexaan reer Yabar | |
47: Cabdinuur sheekh Xasan | Ogaadeen Cawlyahan | |
48: Bishaar Duge dhaqane | Marreexaan reer Axmed | |
49: Cabdirashiid Haajir | Dir Fiqi Muxummed | |
50 Siyaad Yuusuf Coogweyne | Ogaadeen | |
51 Cabdullahi Faarax | qolodiisa lama helin | |
52: Cabdirashiid Xasan Mursal | Marreexaan reer Yabar | |
53; Mahad Gamaaddiid | Absame Galimays | |
54: Saciid Xasan Maxammed | Marreexaan Calidheere | |
55: Maxammed Cabdi | Marreexaan reer Xasan | |
56: Aadan Sh Xasan Gaar (Wuxuu ahaa gudoomiyihii Luuq marka la dilayo) | Marreexaan reer Diini reer Siyaad | |
57: Cabdirashiid Yoontooy | Hawiye Wacdaan | |
58: Xasan Cali Isaaq | Garre | |
59: Sh Maxammed Faarax | Ogaadeen Cawilyahan | |
60: Maxammed Cali Jaamac | Majeerteen | |
61: Xasan Maxammed Qase | Marreexaan reer Axmed | |
62: Rashiid Ilyaas Cumar | Marreexaan reer Xasan | |
63: Aadan Cabdi Salaad | Ogaadeen Cawlyahan | |
64: Axmed Sheekh Cali | reer Axmed | |
65: Maxammed Aadan (Abuu Diyana) | Madhibaan | |
66: Macallin Bashiir Maxammed | Ogaadeen Cawlyahan | |
67: Maxammed Cabdullahi | Ogaadeen | |
68: Xuseen Maxammed Warsame | Marreexaan Reer Garaad | |
69: Cabdiraxmaan Baarreey | Ogaadeen Cawlyahan | |
70: Axmed Cismaan Xaaji Cabdi | Marreexaan Calidheere | |
71: Cismaan Cabdi Maxammed | Dhulbahante | |
72: Aadan Caddow Xasan | Marreexaan reer Xasan | |
73: Cabdinuur Cabdinaasir Xaashi | Majeerteen | |
74: Aadan Cismaan Maxammed | Marreexaan reer Xasan | |
75: Cabdullahi Xuseen Qoriyow | Marreexaan reer Xasan | |
76: Cali sheekh Cabdulle | Marreexaan reer Axmed | |
77: Cabdikariin Yuuruf Garre | Awrtable | |
78: Aadan Axmed Qablan | Marreexaan reer Diini reer Siyaad | |
79: Bashiir Wali Sulub | Dir Gaadsan | |
80: Maxammed Saciid Macallin | Marreexaan Talxe | |
81: Muuse Abshir Aadan | Raxanweyn Gabaaweyn | |
82: Cabdiraxmaan Sh Ismaaciil | Marreexaan Celi | |
83: Bashiir Dheelmooy | Marreexaan Hawraarsame | |
84: Cabdishakuur Abshir Cartan | Marreexaan Wagardhac | |
85: Maxammed Cabdiqaadir | Ogaadeen | |
86: Axmed Sh Cali | Hawiye Jajeele | |
87: Cali Cismaan Cabdullahi | Marreexaan Calidheere | |
88: Axmed Cabdi Maxammed | Marreexaan Calidheere | |
89: Bashiir Lambar Duwe | Marreexaan reer Ina-Nuur | |
90: Cabdiqaadir Shariif Madoobe | Asharaaf | |
91: Aadan Sh Abshirow | Raxanweyn Laysaan | |
92: Ismaaciil Xuseen Axmed | Raxanweyn Gasaaragude | |
93: Maxammed Xasan Moos | (qabiilkiisa lama helin) | |
94: Muxayaddiin Diiriye Aadan | Ogaadeen Cawlyahan | |
95: Indhacadde | Marreexaan Wagardhac | |
96: Caddow Maxammed Laysaamow | Raxanweyn Laysaan | |
97: Faadumo Mayow Mayow | Raxanweyn Gabaaweyn | |
98: Shugri Mayow Sh Cali | Raxanweyn Gabaaweyn | |
99: Cabdiwahaab Mayow Sh Cali | Raxanweyn Gabaaweyn | |
10: Faadumo Axmed Maxammed | Raxanweyn Gabaaweyn | |
101: Ismaaciil sheekh Xasan | Raxanweyn Gabaaweyn | |
102: Mustaf Daa’uud Mayow | Raxanweyn Gabaaweyn | |
103: Khadiijo Faarax Ogaadeen | Marreexaan Celi | |
104: Xaddiyo Macallin | Marreexaan Celi | |
105: Axmed Cadduur | Marreexaan reer Axmed | |
106: Cawke Xasan Xaaji | Ogaadeen Cawlyahan | |
107: Daahir Cali Walaalow | Raxanweyn | |
108: Ismaaciil Aadan Biriq | Raxanweyn | |
109: Xasan Bacaad Malbaale | Marreexaan Hawraarsame reer Iidow | |
110: Bishaar Maxammed Qaasin | Raxanweyn | |
111: Bishaar Xasan Nuur | Marreexaan reer Axmed | |
112: Shugriya Ciise Weer | Marreexaan reer Axmed | |
113: Cabdullahi Cismaan Axmed | Marreexaan reer Axmed | |
114: Maxammed Cismaan Kacaan | Marreexaan reer Xasan | |
115: Axmed Faarax Geelle | Majeerteen | |
116: Cali Nuur Kalkaal | Raxanweyn Diisow | |
117: Hore Kinaa Sharmaake | Marreexaan reer Diini reer Ugaas Sharmaake | |
118: Xuseen Caddow | Marreexaan Hawraarsame | |
119: Mahad Maxammed Guuleed | Reer Shabeelle | |
120: Cabdullahi Cali Salaad | Reer Shabeelle | |
121: Cabdi Cali Maxammuud | Reer Shabeelle | |
122: Faadumo Sulub Diiriye | Dir Gaadsan | |
Xigasho Caasimada online
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com