Nin Bulsho badan u ahaa Masuul ey raali ka ahaayeen, ayaa furtay Hotel Dadkiina aad ayey u soo dhaweeyeen.
Waxa uu Maareeyaha Hotelka u magacaabay Nin Aqoon u leh Maareynta Dadkuna ku kalsoon yihiin, Hotelkii ayaa waxaa soo degay Dad badan oo la dhacsanaa, Dad kale oo badanna “Booking” ayeey sameeysteen.
Bil kadib waxaa la arkay Hotelkii oo faaruq ah, Kuwii Qol sugayaasha ahaana waa ka noqdeen.
Sababta Hotlka Dadkii uga tageen ayaa waxaa Cilmi baaris ku sameeyay Khubaro ka socoto Jaamacadda ( iska hubi University ).waxa eyna soo saateen warbixintii Cilmi baaristooda:
1.Hotelka Milkiilaha iyo Maareeyuha waxaa ka khaldamay Farsamadii Xulidda.
- Cunta kariyuhu waa Nin uu ka maqanyahay Dareenka Dhadhanka iyo urisku.
- Gabadha Qolalka Nadiifiso waxa ey ka go’an tahay Labada gacmood.
- Ninka “Receptionka” Soo dhaweeynta joogo waa dhagool.
- Xisaabiyaha Hotelku waa indhool.
- Shaqaalaha Cuntada keeno “Waiters” ka waxaa lagu soo tababaray isbitaalka dhimirka Xabeeb.
- Nabadgalyada Hotel ka waxaa ka masuul ka ah Sacabooleey, si online ah Qurbaha uga maamulo.
- Shaqaalaha kale ee Hotelka ma jiro shuruud Xirfadeed laga rabo.
In kasta oo Macaamiisha Hotelku ey soo dhaweeyeen Maamulka sare ee Hotelka. Sababta keentay in laga guuro Hotelku waa 8daa Qodob.
Khubaradu waxa ey TALO ku soo jeediyeen in Shuruucda iyo Howl wadeenadda Hotelka wax laga bedelo.
Run miyaa? Ma ogi?
Qore: Yahya Amir
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com