Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Buulo Burde waxa uu kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmada Buulo Burde halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaraha ee Magaalada Buulo Burde kusoo dhoweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Xubnaha labada gole ee Dowladda, Saraakiisha  Hay’addaha Amaanka iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Buulo Burde waxa uu kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Dhanka kale Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa xoojin doona howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda degmooyinka Maxaas iyo Matabaan.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here