Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Madasha Iskaashiga Dhaqaale ee Somaliya iyo Uganda ayaa ka warbixiyay fursadaha iyo koboca dhaqaale ee labada dal ay ka faa’iidayaan hirgelinta iskaashiyada ay wada gaareen iyo xaqiijinta is dhaafsiga ganacsiga iyo badeecadaha.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay guulaha laga dhaxlay heshiiskii dhexmaray Somaliya iyo Uganda sanadkii 2016-kii, oo horseeday in uu kobco isdhaafsiga dhaqaale ee labada dal, fududeynta socdaalka iyo duulimaadyada tooska ah, mataaneynta Jaamacadaha, iskaashiga xiriirka diblumaasiyadeed iyo amni, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda marti-gelinta madashan.
Furitaanka Shirkan oo ay wadajir u guddoomiyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa ganacsatada labada dal waxa ay ka arrinsadeen sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, shaqo abuurka dhallinyarada, xoojinta fursadaha haweenka, dhiirri gelinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, warshadaha iyo hannaanka maaliyadeed.
Inta lagu guda jiray Madasha Ganacsiga Somaliya iyo Uganda, Wasiirka Ganacsiga Somaliya, Jibriil Cabdirashiid ayaa heshiis ku saabsan iskaashiga dhaqaale la saxiixday dhiggiisa dalka Uganda, Mwebesa Francis, halka Agaasimaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Asad Yusuf iyo dhiggiisa Uganda, Rwakakamba Morrison iyo Rugaha Ganacsi ee labada dal ay kala saxiixdeen heshiisyo kale oo ku saabsan fududeynta ganacsiga iyo is weydaarsiga khibradaha.
Ugu dambayn labada Madaxweyne ayaa faray Wasiirrada labada dal in ay xaqiijiyaan dhaqan-gelinta heshiisyada iyo talooyinka ka soo baxa Madasha Dhaqaalaha Somaliya iyo Uganda, sidoo kalena ay ku sameeyaan dib-u-eegis joogta ah, si loogu kuurgalo horumarka laga gaaro hirgelintooda, loona sahmiyo dhinacyo kale oo labada dal ay iska kaashan karaan.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com