Golaha Wasiirada ayaa la faray, ka hor inta aanay sameyn xil magacaabis ama is bedel ay ku sameeyaan masuuliyiinta waa in ay wada tashi kala yeeshaan Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa saqdii dhexe ee xalay soo saaray go’aamo la xiriira ilaalinta nidaamka shaqada iyo hantida qaranka.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu wargeliyay Golaha Wasiirada in ay ilaaliyaan ku dhaqanka dastuurka iyo shuruucda dalka, marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.

Warqadda ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waxaa reeban magacaabis iyo shaqo ka joojin Saraakiisha darajooyinka sare oo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda.”

Golaha Wasiirada ayaa la faray, ka hor inta aanay sameyn xil magacaabis ama is bedel ay ku sameeyaan masuuliyiinta ka tirsan hay’adaha ay madaxda ka yihiin in ay waafajiyaan sharciga, isla-markaana ay wada tashi kala yeeshaan Ra’iisal Wasaaraha.

Xafiiska damqo Media Network
       Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here