Farax Badbaada Qaran ayaa yiri: Dadkii deganaa Tuulada “Cuncun” ayaa waxaa soo ku Batay, Dhilqo, Boodo, Wariiri, injir iyo Cayayan kale.Waxaa intaa u sii dheer Xamaarato Habeenkii Tuulada Ka qaraabato, Dhinaca kale Bacaad ayaa ku soo fidayayTuuladda. Dadkii oo u adkeeysan waayay Dhibaatada ayaa ku heshiiyay in ey u guuraan Deegaanka “Gurya samo” oo 100 Km u jiro, eyna ka dhistaan Tuulo Barwaaqo.
Si Dadka iyo Agabka Tuuladda loo raro waxaa lagu heshiiyay in la dhiso Waddo Tareen iyo Tareenkii lagu guuri lahaa. laguna farsameeyo meel Tuuladda u jirto 2 Km. Dadkii Tuuladda Qaar ayaa Naftooda u huray sidii loo heli lahaa Tateenka Badbaadiye A19. kooxda “Madaba badanna” waa diideen in la sameeyo Tareenka Badbaadiye A19.
Markii Tareenkii la dhameeyay ayaa la yiri: intii Howsha qabatay ee Mudnaanta leheyd ha hor mareen oo ha raaceen qeybta VIP-da. intii aan Howsha wax ka qaban ee “Midaba Badanna” ha raaceen qeybta Xamuulka.
Tareenkii ayaa waxaa ku Hormaray oo Raacay kooxdii “Madaba badan” ee Diidaneyd in loo guuro Tuulo Barwaaqo.
Kuwii Sugayay qeybta VIP-da oo weli is diyaarinayo, kana soo kabanayo Dhaawacyadii iyo Dhibaatadii ka soo gaartay Sameeynta Tareenka ayaa waxaa ka hormaray Kooxdii “Midaba badan” oo qeybta Xamuulka saarneyd.
Mar Qura ayaa laga war helay in Tareenkii uu Dhaqaaqay, Rakaabkana ey ka maqanyihiin kuwii sameeyay Tareenka Badbaadiye A19.
Nasiib daro intii Tareenku u socon lahaa Horay ayaa Tareenkii waxa uu u dhaqaaqay Gadaal Gadaal, waxaana jahadda uu u socdo ka muuqday kooxdii “Midaba badan” oo hagayo Tareenkii oo mar kale ku wajahan Isla Tuuladii laga soo Guurayay ee “Cuncun”.
Tareenkii ayaa Gadaalgdaal u socday oo kuwii Gadaal laga filayay ayaa saaran Safka ugu horeeyo. ( F.S: 1aad)
Tareenka ha la joojiyo, hana la bedelo Jahada uu u socdo inta uuna ku noqon isla Tuuladii Cuncun. waa iga Talo.
Farax Badbaado Qaran ayaa yiri: waxa aan sheegayo Anaaba ku wareeray ee Adinku ma ku wareerteen mise waa Fahamteen.
Run Miyaa? ma ogi.
Qore: Yahya Amir
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com