Ciidamada DF oo sheegtay in lasoo afjaray weerarkii Hotel Xayat balse rasaas weli ka socdaan, xogta Al Shabaab dagaal yahanadooda weli ka dhex dagaalamaya Hotel Xayaat, ayagoo sababta ay uga dagaalamayaan ku sheegay in Hoteelkaas lagu qorsheeyo dabinada loo dhigo Al-Shabaab oo ay deganaayeen masuuliyiin ka tirsan dowladda. Waa sida ay sheegtay Al Sabaab. Ciidamada Dowladda oo gudaha ugu jira hotelka iyo dhismooyinka ku dhow dhowba ayaa isku dayaaya inay soo afjaraan tiro yar oo dableydaasi ka tirsan oo weli saaran dhismaha hotelka. Ciidamada dowladda oo isku deyaya inay qabsadaan Hotelka ayaa is caabiyeen kala kulmaayay Al-Shabaab ee ku jira gudaha Hotelka in ka badan 36-saac. “Halkaas ciidamo fara badan ayey kusoo uruuriyeendowlada, mar kastana ciidan cusub ayaa la soo galinayay goobta,illa iyo hadda wax natiijo ah lagama haayo.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com