Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Walanwal ‘Hadraawi’. Waxaa loo arkay nin qaran; dhab ahaantiina wuu ahaa. Dhaqamada iyo afaf guriyada looga hadlo goballada dalka intooda badan waxaa la arkay inuu wax badan ka fahamsanaa kuna hadli karay. Intii tiqiin shaqsiyaddiisa waxay ku sheegeen inuu ahaa qof is-duldhig badan oo aad xushmad badan.
Noloshii adkeyd oo uu yaraantiisa kusoo barbaaray – waaya’aragnimadii uu ka helay – ayuu hadiyo jeer ku saleyn jiray suugaantiisa. Ma ahayn nin ay danta iyo duruufuhu ka joojiyaan doonistiisa adag oo uu qaranka iyo jiritaanka umadnimo ee Soomaalida ku difaaco. Marka ay timaado anshaxa suuban iyo akhlaaq hagaajinteeda, wuxuu ahaa mid ku waaniya suugaanta tusmeysan; markii ay ugu adkeyd oo lagu dhici kari la’aa in Kacaankii October laga diido sinaan la’aanta iyo jujuubka, wuxuu kamid ah kuwii u muujiyay inuusan waxba ahayn.
Heeso jiilka maanta iyo kuwii hore si isla’eg ayay u taabanayso dhageysigooda sida heesta Hooyo, Baladweyne, Jaceyl Dhiig malagu qoray, Xamarey ma nabadbaa, iyo kuwa kale oo badan ayuu gaaxdooda lahaa.
Xafiiska damqo Media Network
Firenze , Talyaniga
Email: damqomedia@gmail.com