Safaradda Somalia ee Talyaniga Roma oo si ku talo gal loo afganbiyay oo arikeeda noqday af maleh abbaaburan.

Safaradda Somalia ee Talyaniga e Roma waxaa ka dhacay wax cajeeb ah.  Wasiirka Arimaha Dibadda Somalia Abdi Saciid Muse Ali ayaa si ula kac ah ayuu Safaradda uu afganbiyay  isagoo ku takrifuray awood qeybsiga ay Somali ku heshiisay(4/5) oo ka dhigay Hal bel kaliyah.

Nala daawada waa kuwaan shaqsiyaadka oo hal mar u soo badalay

1)Sihayaha Safaarad mudane Ahmed Abdirahman Shiekh Nur (Marexaan)

2)Mahamed Mahmud Ali Gacmadhere(ortable)

3)Osman Mahamed Osman Zuhery  (Maj Cise Mahamud )

4)mahamed Haji Ahamed (Majerten Omar Mahamud).

Jogoyinka oo usoo Magaacaabay dhib ayaan ka soo sheegi doona maskaxda ka danbeeysa e wakiilatay waa Agaasimaha Yurab iyo Amerika ee Wasaradda Arimaha Dibadda Abdi Dahir (Majerten Omar Mahamud )

Farmaajo ayaa bilaabay in uu Wasiirka arrimaha dibadda u adeegsado in uu jifidiisa mareexaan ku bedelo Safir waayo arag ah, khibrad u leh gudashada waajibkiisa.

Wax waayahaan saaxadda ku cusub e siyaasadda Somaliya ku soo kordhay ayaa waxaa kamid ah in safiir lagu bedelo shaqsi lagu magacaabay safiir ku meel gaar ah oo afka qalalaad lagu yiraahdo (incaricato d’affari) – (charge d’affaires) iyadoo laga dhuumanayo in aan la soo marsiin karin xiligaan kala guurka ah sifaha sharciga ah.

Safiir ku meel gaar ah waxa la magaacaabi karaa markii ay timaado:

*Safaarad cusub marka la furayo iyo markii uu cilaaqaadka labada dal uu xumaado oo ay safiiradooda ukala yeertaan dabeedna si ku-meel gaar ah shaqada u sii socoto.

Waxaa tusaale u ah in Safiirka Talyaaniga Somaliya u fadhiya iyadoo siffo sharci ah aan loo marin la doonayo in lagu bedelo Safiir ku meel gaar ah oo ay isku jifo yihiin Farmajo.

Waxaa la sheegayaa in Jimcihii dhawaa ninka sheegtay in uu yahay safiirka ku meelgaarka ah ee Somaliya u fadhiya dalka talyaaniga Axmed Cabdiraxmaan Shekh Nuur uu xoog ku qabsaday Safaaradda illa iyo hadda ma jirto cid ka hadleeysa dhibaatooyinka soo wajahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Talyaniga ee muddo labo todobaad ah aan hool loo qaban.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here